Shaqaalaha Dekedda Berbera oo shaqo joojin sameeyay

Image

BERBERA, Somaliland- Shaqaalaha Dekedda Berbara ee gobolka Saaxil ayaa maanta dhigay bannaanbax iyo shaqo joojin isku jira iyagoo ka cabanay caqabado ay sheegeen inay kasoo wajahday dhinaca nolosha.

Qaar kamid ah dadka gadooday oo lahadlay warbaahinta gudaha, ayaa xusay in shirkadda DPWorld oo 1-dii Bisha Saddexaad, la wareegtay maamulka dekeddaas ay cadaadis saartay shaqaalaha.

Waxay sheegeen in lagu amray inay ku shaqeeyaan mushahar yar, hadii kale la keeni doono ajaanib ku shaqaysa awaamiirta iyo rabitaanka shirkadda.

Balse, Guddoomiyaha gobolka Saaxil, ayaa xusay in xaaladda iminka la dajiyay islamarkaana wixii jira lagu dhammayn doono wada-hadal.

Ilaa hadda arrintan kama hadlin tallaabadan shirkadda DPWorld.

Tallaabadan ayaa timid xilli shirkaddan casriyayn ku samaysay Dekedda kadib hishiis ay la gashay xukuumadda Somaliland inkastoo dadka gobolkaas kasoo horjeedeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM