Siilaanyo oo cafiyay Wariye Coldoon

Image

HARGAYSA, Somaliland- Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa lagu cafiyay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo saddex bilood ah ku xirnaa xabsi ku yaala caasumadda Hargaysa.

Wariyahan oo lagu eedeeyay inuu ku kacay dambi ka dhan ah jiritaanka Somaliland, ayaa dhawaan Maxkamadda Hargaysa, waxay ku riday Labo Sano oo xarig ah, waloow go’aankaas aysan ku qancin qareemadii u doodayay iyo bahda Saxaafadda.

Dadaal dheer oo muddo socday ugu dambayn Madaxweyne Siilaanyo ayaa qoray warqad lagu fasaxayo Wariyahan oo kahor intaan xabsiga la dhigin ka qayb galay doorashadii Madaxweyne Farmaajo.

Sababta uu u cafiyay ayuu Madaxweynaha Somaliland ku sheegay codsiyo kala duwan oo kasoo gaaray dadka reer Somaliland.

Cabdi Maalik Coldoon oo ka hadlayay dareenkiisa ku aadan inuu helo xorriyadiisa ayaa soo dhaweeyay tallaabada lagu cafiyay, wuxuuna u mahadceliyay dhammaan cid kasta oo ka qayb qaatay sii dayntiisa.

Wuxuu sheegay in markii horeba uusan maamulka Somaliland ka galin dambi ciqaabtiisu gaarsiisantahay heerkaas, isagoo xusay inuu ku xirnaa Dulmi.

Maaha markii ugu horaysay Wariyahan lagu xiro deegaanada Somaliland, balse kan ayaa ka duwanaa kuwii hore.

Somaliland oo isu aragta Jamhuuriyad Madax bannaan ayaa tallaabooyin adag marisa cid kasta oo booqaata magaalada Xamar kuwaasoo sameeyay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ama is dhexgal bulsho, waxayna ku eedeeyaan inuu yahay Qaran dumis.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM