Siilaanyo oo hambalyo u diray Ethiopia

Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa hambalyo u diray waddanka Ethiopia oo maanta u dabaal dagaya 26 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay ka baxeen xukunkii Miletariga.

Qoraalkan oo ku saxiixanyahay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo oo ku hadlaya afka shacabka iyo xukuumadda uu farxadda la qaybsanayo dowladda Ethiopia xuska Ginbot.

 "Mudane Axmed Maxamed Silaanyo isaga oo ku hadlaya afka shacbiga Somaliland iyo ka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa dalka aynu walaalaha iyo jaarkaba nahay ee Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaas,” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa lagu sheegay in labada xukuumadood ka simanyihiin dhinaca xorriyada maadama ay ka xoroobeen xukunkii Milateriga.

“Marka laga yimaado xidhiidhka saaxiibtinimo, iskaashiga nabadgelyada, ganacsiga, iyo deris wanaaga ee Itoobiya inaga dhexeeya waxa hubaal ah oo aynu wadaagnaa taariikh ma guurto ah oo ah in aynu isku wakhti ama rubuc qarniba aynu wada xusaynay taariikh mataano ah oo shacbiga labada dal ay kaga hoos baxeen gacantii keli talisnimada ee militeriga ahayd ee Mingiste Hailemariam iyo Maxamed Siyaad Barre oo ay hadda ka soo wareegtay 26 sanno markii xukunka laga tuuray," Sidaas waxaa lagu sheegay qoraalka Somaliland kasoo baxay.

Xiriirka Ethiopia iyo Somaliland ayaa aad u wanaagsan kadib markii Saami laga siiyay Dekedda Ber-bera, waxaana hambalyadan kusoo aadaysaa Xilli xukuumadda Hargaysa ay sheegtay inay ka go’day Somalia inteeda kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM