​Siilaanyo "Waxaa naga go'an inaan qabano doorasho Xor ah"

Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta ka qayb galay munaasabad looga hadlayay barnaamijka Siyaasadeed ee Xisbul xaakimka KULMIYE uu gundhig uga dhigi doono waxqabadkiisa shanta sano ee soo socota.

Xaflad ka dhacday magaalada Hargaysa ayaa sidoo kale looga hadlay waxqabadka Xisbigan iyo guulaha uu gaaray mudadii uu maamulka hayay, waxaana Madaxweyne Siilaanyo uu sheegay in nidaamka Dimuqraadiyadda uu noqday mid naajaxay.

“Dawladnimada, Dimuqraadiyadda, koboca dhaqaale iyo horumarka bulsho ee aynu gaadhnay, ma aha mid la innooga soo waariday degel-shisheeye, balse waa mid hal-abuurkeeda iyo himiladeedaba, aynu innagu la nimid.”ayuu yidhi Siilaanyo.

Wuxuu sheegay in guulo aan la inkiri karin la gaaray mudadii xisbigan uu hayay hogaanka isagoo tilmaamay in taasi gundhig u tahay ajandaha siyaasadeed iyo ballanqaadkii uu u sameeyay shacabka.

”Shaki kuma jiro, oo waa laga wada dheregsan yahay, in Muddo Xileedkii Koowaad ee Xukuumadda KULMIYE, wax weyn ka qabatay horumarka iyo dhismaha Dalka. Waxaannu suurto galiney, horumar ballaadhan oo dhinacyo badan leh, oo la taaban karo. Isbeddelladani waxay ka turjumayaan, ballan-qaadyadii uu Xisbiga Kulmiye la galay bulshada, xilligii uu ku jiray ololaha Doorashada.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Siilaanyo ayaa sidoo kale ammaan kala dul dhacay Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi iyo ku-xigeenkisa Cabdiraxmaan Saylici, wuxuuna ku tilmaamay inay yihiin shakhsiyaad kasoo bixi kara hogaaminta iyo hurusocodka Somaliland.

"Waxaan aaminsanahay, in uu yahay hoggaamiye ummadda Somaliland isku wadi kara, halkaana ka sii amba qaadi kara hoggaaminta Qaranimada Somaliland iyo himilada Xisbiga Kulmiye, iyo horumarka uu dalkeenu ku tallaabsaday. Muddadii dheerayd ee soddonka sanno ka badnay ee aanu soo wada shaqaynay, waxaan idiin sheegaya xilligii uu ku soo biiray Ururka SNM, in uu wax weyn ku soo kordhiyey garabka militari ee Ururka," Sidaas waxaa yiri Siilaanyo oo intaas ku daray, "Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Murashaxa jagada Madaxweyne Ku-xigeenka ee Xisbiga Kulmiye, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waa masuul waayo arag ah oo aanu muddo Shan iyo Tobanka Sannadood ah, aanu ka soo wada shaqaynay Xisbiga iyo Xukuumaddaba. Waa masuul aad u fahansan haykalka dawladnimo iyo himilada uu qarankeennu hiigsanayo."

Khudbada uu jeediyay Madaxweynaha jagada kasii dagaya ee maamulka Somaliland, wuxuu fariin ugu diray siyaasiyiinta iyo ragga u loollamaya madaxtinimada, isagoo ka codsaday inay ilaaliyaan qaranimada.

“Ragga uu taratanku ka dhexeeyo, iyo inta ku xeeranba, waxaan kula dardaarmayaa, in aanay isaga qaldamin Qarannimada iyo loollaanka iyo laacdanka iyaga ka dhexeeyaa.”ayuu hadalkiisa sii raaciyey."

Muddo kooban ayaa ka dhiman waqtiga ay dhacayso doorashada Madaxtinimo ee maamulka Somaliland, waxaana jira loollan xoog leh oo u dhaxeeya Axsaabta, KULMIYE, WADDANI iyo UCID.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM