​Somaliland: Aadan Sunne Khatar ayuu ku yahay amniga dalka

Image

HARGAYSA, Somaliland- Ciidamada ammaanka Maamulka Soomaaliland ayaa xalay xabsiga dhigay wadaad caan ah oo lagu magacaabo Shiikh Aadan Cabdi Warsame (Sunne)  kasoo maalmahan ka hadlayay xariga Macallimiin Dugsi Quraan oo ciidamada xireen.

Shiikha ayaa loogu tagay gurigiisa magaalada Hargaysa ayaa Booliisku sheegeen inuu iska caabiyay ciidamada ammanka taasoo markii dambe keentay in gurigiisa loo dhaco Albaabka horena la jabiyo.

Qaabka loo xiray Shikhaas, howlgallo dhowr ah oo ka dhacay caasumadda Somaliland iyo nawaaxigeeda waxaa ka hadlay taliska ciidamada Booliiska xilli ay maanta shir jaraa'id warbaahinta ugu qabteen magaalada Hargaysa.

Afhayeenka ciidanka booliska Somaliland sidoo kalena ah taliyaha ciidamada nabadgaliyada Wadooyinka Gaashanle Sare Faysal Xiis oo ka hadlayay kiiska lagu haysto wadaadka ayaa sheegay inuu dhaliilay howlgallo ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

Faysal Xiis ayaa intaas ku daray in wadaadku uu iska caabin kala horyimid ciidamada Booliiska markii la qabanayay, "Aadan Sunne Khatar ayuu ku yahay amniga iyo jiritaanka qaranimada Somaliland, wuxuuna ciidamada amniga kala horyimid iska caabin xooggan, isagoo soo abaabulay kooxo isugu jiray rag, dumar iyo dhalinyaradaba."

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in Shiikha lagu haysto hadal uu maalinkii ciidanka ka jeediyay garoonka Hargaysa kaasoo ahaa kicin dadweyne iyo inuu ka been sheegayay ragga dabridka sameynayay ee gacanta lagusoo dhigay.

"Wuxuu ku andacoonayay, waa la iska soo xiray waa bilaa dambe, isagu ma Xeer ilaaliyaa," Sidaas waxaa wariyaasha u sheegay Faysal Xiis isagoo intaas ku daray, "Wuxuu ciidamada Booliiska ku tilmaamaa waa Gaalo, Gaalo ayay u adeegaan. Xagee Gaalo ka yihiin shacabka Somaliland ayay u adeegaan, Qaranka ayay u shaqeeyaan, waa been warkaas."

Booliiska ayaa intaas ku daray inay gacanta kusoo dhigeen koox khatar ku aha amniga Somaliland kuwaasoo waqtiga ciidamadu qabteen dab rid ku qaadanayay deegaan lagu magacaabo Uubaale oo dhica Koonfureed ka xiga magaalada Hargaysa.

Wadaadka iyo dadka lasoo qabtay oo ay xuseen inay u mareen sifo sharciga waafaqsan ayay tilmaameen in loo gudbin doono Maxkmadda.

Maaha markii ugu horeysay wadaadkaas xabsiga la dhigo, kasoo inta badan dhaliila siyaasadda hogaanka sare ee Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM