Somaliland iyo Imaaraadka oo hishiis kala saxiixday

Image

HARGAYSA, Somaliland- Xubno kasocda maamulka Somailand iyo wakiillo matalayay dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa magaalada Dubai ku kala saxiixday hishiis ku aadan Saldhigga Milatary ee dowladdaasi ka furanayso magaalada Ber-bera ee xarunta gobolka Saaxil.

 Heshiis kan ayaa daba socda go'aan ay labada gole ee Barlamanka Somaliland dhawaan ku ansixiyeen qodobada is afgaradka ogolaanshaha saldhiggaas.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa xubnihii hishiiska wax ka saxiixay ayaa sheegay in arrintan aysan wax dhibaato ah ku hayn shacabka Somaliland, balse taas badalkeeda ay ka helayaan dakhli iyo shaqo abuur tiro badan.

Wuxuu xusay in arrintan ay kor u qaadayso Ictiraaf ay hesho xukuumadda Somaliland dunida iyo inay ka marag kacayso hishiisyada caalamiga ah inay u madax-bannaantahay.

Waraabe, ayaa sidoo kale eedeeyay shakhsiyaadka dhaliishan saldhigga Milatary, wuxuuna ku tilmaamay dad cadiifi ah oo kasoo horjeeda jiritaanka iyo awoodda Somaliland.

Mar wax laga weydiiyay buuqa shacabka iyo Xildhibaanada qaytood ka keeneen, wuxuu sheegay inay tahay arrin siyaasadaysan oo waxba u dhimayn hishiiska labada dhinac ee ku salaysan Saldhigan.

Guddoomiyaha Xisbi Mucaaradka UCID, ayaa sidoo kale eedayn dusha uga tuuray Xisbiga WADDANI gaar ahaan Guddoomiye Cirro, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in deegaanada Somaliland kawado khal-khal galin ku aadan hishiiska Saldhigga Ber-bera.

Faysal Cali Waraabe oo la hadlayay VOA, ayaa sidoo kale xusay in hishiiskan uu yahay mid taariikhi ah oo ay ku tallaabsatay xukuumadda talada haysa, isagoo sheegay in Imaaraadku uusan wax dana ka lahayn arrimaha Somaliland, balse uu ka difaacayo wax kasta oo dhibaato u keeni kara.

Hishiiskan oo jiri doona Muddo 25 sano ah, ayaa yimid Xilli muddooyinkii dambe deegaanada Somaliland ay ka taagnayd khilaafaad ka dhashay Saldhigaas oo ay ansixiyeen golaha xukuumadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM