​Somaliland iyo Khaatumo oo 10 qodob ku heshiiyay

Image

HARGAYSA, Somaliland- Heshiiska ka kooban toban qodob ayay wada gaareen maamulka Somaliland iyo Khaatumo kaasoo daba socda heshiisyo taxane ah oo muddooyinkii dambe labada dhinac ku gaarayeen magaalada Hargaysa.

Arrintan ayaa lagu shaaciyay shir saxaafadeed mas'uuliyiinta labada dhinac ku qabteen xarunta maamullka Somaliland.

Heshiiskan oo saxaafadda uu akhriyey wasiirka Arimaha debedd Somaliland Sacad Cali Shire, waxaana ka mid ahaa, tacsi loo direy dadkii ehelkoodu ku dhinteen degaanka Buuhoodle iyo hambalyo ay u direen odayaashii soo gabagabeeyey colaadaas.

Sidoo kale waxaa heshiiskaas ku jiray qodobo loogu digay maamulka Puntland iyo xukuumadda dowladda Federaalka Somalia, kuwasoo ay ku eedeeyeen inay mas'uul ka yihiin dhibaatada ka jirta gobolka gaar ahaan Buuhoodle.

1. Waxaanu tacsi u diraynaa eheladii iyo qaraabadii ay dhibaataddu ka soo gaadhay isku dhacii dagaalka sababay ee dhexmaray labadda beelood ee walaaha ee wada dega Buuhoodle

2. Waxaanu bogaadin iyo hambalyo u dirayna odayaashii iyo waxgaradkii dhexgallay ku guuleeyey inay soo afjaraan shaqaaqadii halkaasi ka dhacday

3. Waxaanu isla garanay in meel looga soo wada jeesto xaalada cusub ee ka aloosan Buuhoodle

4. In maamuladda Puntland iyo Muqdisho ay joojiyaan gardaradda qaawan ee ay ka wadaan deegaanada Somaliland guud ahaan, gaar ahaanna Buuhoodle.

5. In Caalamku ogaado wixii dhibaato ah ee ka dhaca Buuhoodle ay ka masuulka yihiin labadda maamul ee Garoowe iyo Xamar.

6. Siiba maamulka Puntland ha joojiyo dhibaatada uu ku hayo nabadda iyo geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.

7. In garaadada iyo cuqaashu wada jir uga hor tagaan wixii dhib iyo dhaawac nabadda iyo nolosha dadka gaadhsiinaya.

8. In aan Somaliland marnaba aqbali doonin meel ka mid ah lagu qabto shir lagu kala qaybinayo dadka iyo dalka Somaliland laguna burburinayo wada hadaladda Somaliland iyo Khaatumo.

9. Waxaanu uga digaynaa shirkadaha iyo hay’adaha diyaaradaha inay fasax la’aan ka soo degaan garoomadda si loo sugo amaankoodda.

10. Waxa la magacaabay guddi laba geesood ah oo tallo bixin ka soo jeedin doonna qabashadda shirweynaha loo dhan yahay.

Arrintan ayaa timid xilli labada dhinac shirar ku yeesheen dalka Jabuuti iyo gudaha Somaliland. Goor sii horaysay waxaa arrintaas gaashaanka ku dhuftay Odoyaasha dhaqanka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn iyagoo tilmaamay inuusan matalin Cali Khaliif Gallayr oo qorshahan hormuud ka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM