Somaliland: MD Siilaanyo oo dib ugu laabtey Hargeysa [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay Magaaladda Hargaysa, kadib markii uu muddo labo toddobaad ah uu ugu maqnaa dalka Imaraadka Carabta xaalad Caafimaad.

Madaxweynaha oo saaka subaxnimadii  hore ka soo degay garoonka diyaaradaha Hargaysa, halkaasi oo madax ka tirsan labada golle ee dowladu ay si ballaaran u soo dhaweeyeen, waxaana uu salaan sharaf kaga qaatay qasriga madaxtooyada cutubyo ka mida ciidamada qaranka Somaliland.

Afhayeenka Madaxtooyada somaliland Xuseen Aadan Cige Deyr oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay safarkii madaxweynuhu ku tegay dalka imaraadka Carabta iyo Qaliin lagu sameeyay madaxweynaha.

“ Waxaa dalka dib ugu soo noqday madaxweynaha somaliland oo a  ka soo noqday safar uu ku joogay Magaalada Dubai, Madaxweynuhu waxa uu dalka baxay 18 /08/2017, waxaanu tagay Magaaada Abu-dubai, halkaasi oo ku galay qaliin fudud, waana lagu gulaystay qaliinkaas waanu caafimaad Qabaa, isagoo caafimadd qaba ayaanu ka soo daga garoonka diyaardaha Hargaysa” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyadda.

Afhayeenku wuxuu sheegay in howlaha muhiimka ee horyaal madaxweynaha ee uu qaban doono ay ka mid tahay doorashada Somaliland ee soo socoto sidii ay hab nabadgelyo ah ugu dhici lahayd, waxaana uu tilmaamay in madaxweynuhu hore u saxiixay in doorashadu xiligeed dhacdo.

Dhinac kale, afhayeenku wuxuu ka jawaabay cabasho la sheegay in laga qabo guddiga doorashadda Somaliland, taasi oo ka imaanaysa Xisbiyadda Mucaraadka. Waxaa uu sheegay in madaxweynuhu uu ummada reer somaliland uu dhex yahay, hase yeeshee ayan jirin sharci u diidayo inuu taageero Xisbigiisa kulmiye oo taladda Somaliland haya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM