​Somaliland oo diiwaangalin ka bilowda Taleex iyo dagaal ka dhashay

Image

LAASCAANO, Somalia- Maamulka Somaliland ayaa shalay 24 Augusto, 2016 degmada Taleex ee gobolka Sool ka billaabay diiwaangalinta codbixiyaasha doorashada maamulkaasi ka dhici doonta sannadka dambe.

Arrintan ayaa dadka deegaanka ku kala duwanyihiin waxaana jira kuwo aad usoo dhaweeyay islamarkaana u dareeray diiwaangalinta halka kuwo kale kasoo horjeesteen inkastoo ay ka dhasheen iska hor imaad dhexmara ciidamada Somaliland iyo qaar kamid ah dadka deegaanka.

Wararka aan ka helayno degmada Teleex ayaa sheegay in saaka halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka inkastoo aysan jirin khasaaro ilaa hadda lasoo sheegay.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Kal-cad oo qiyaastii 15KM u jirta xaruntaasi taariikhiga ah.

Goob jooge ku sugan nawaaxiga lagu dagaallamay oo lagu magacaabo Cabdirsaaq Aadan Jeebbe ayaa Radio Garowe u sheegay in isku dhacaasi sabab u tahay khasab la doonayo inay dadku isku diiwaanwaangaliyaan.

Jeebbe ayaa sheegay inay ku wargaliyeen maamulka Hargaysa inaysan ka mid ahay Somaliland, waxayna baaq u direen dowladda Federalka Somalia iyo Puntland oo ay tilmaameen inay katirsanyihiin.

Dhinaca kale mid kamid ah waxagaradka Taleex oo ayaa GO u sheegay inay tageen goobaha diiwaangalinta islamarkaana ay qaadan doonaan wax kasta oo Somaliland usoo bandhigto, wuxuuna intaasi ku daray inay qorshaha diiwaangalinta lagu keenay Taleex kamid tahay hishiiskii dhawaan ka dhacay deegaanka Awr-boogays.

Wuxuu dhaliilay maamulka uu hogaamiyo madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali isagoo sheegay inay ka jawaabi waayeen baahida iyo rabitaanka deegaanka isagoo degmada Taleex ku tilmaamay meesha ugu dhow magaalada Garowe balse aan waxba loo qaban.

Maamulka Somaliland ayuu sheegay inay waxyaabo badan u ballanqaadeen islamarkaana diyaar ula yihiin oofinta codsiyadooda.

Arrintan ayaa timi dhowr maalin kadib markii gobolka Sool soo gaaray madaxweynaha Somaliland kaasoo dadka deegaanka kala hadlay qorshaha diiwaangalinta, wuxuuna u sameeyay ballanqaadyo kala duwan isagoo xarriga ka jaray mashaariic degmada Laas-caano laga hirgaliyay.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland, waxaana tan iyo intii uu xilka qabtay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali siyaaday damaca Somaliland ee gobollada muranku ka taagnaa muddooyinkii u dambeeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM