​Somaliland: Rag Qodanayay Xabaasha Shiikh dhintay oo la qabtay

Image

HARGAYSA, Somaliland- Ciidanka Booliiska degaanka Arabsiyo oo ka tirsan degmada Gebiley ayaa soo qabtay laba nin oo qodayey xabaal u ku aasan yahay Shiikh caan ahaa oo in ka badan konton sanno ka hor geeriyooday.

Ragga la qabtay, waxaa la sheegay inay weheliyeen laba Nin kuwaasoo ilaaliyeyaal u ahaa islamarkaana watay Gaari iyo GPRS.

Waxaa loo gudbiyay xarunta Dambi Baarista magaalada Hargaysa, halkaasoo lagu weydinayo su’aalo la xariira sababta ku kaliftay qodasha Qabriga Shiikha Nus Qarni kahor dhintay.

Gudoomiyaha Arabsiyo Cabdullaahi Cabdi Faarax oo Saxaafadda dhacdadan uga waramay ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “Arrintani way jirtaa Shiikh Caan ah ayaa nimankan lagu qabtay iyagoo xabaashiisa qodaya”.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu warbixintiisa ku daray Guddoomiye Cabdullaahi, “Rag la socday ayaa baxsaday, balse labadan la hayo waxaa loo gudbiyay magaalada Hargaysa”.

Cabdullaahi Cabdi ayaa intaasi ku daray in Shiikha xabaashiisa ay qodayeen nimankani lagu magacaabi jiray Shiikh Suufi Nuuriye isla markaana ka mid ahaa Culimadii hore ee Arabsiyo.

Guddoomiyaha ayaa carrabka ku dhuftay in goor hore sidaan oo kale uga dhacday deegaanka Arabsiyo kuwaasoo lagu qabtay rag qodanayay Qabuurta Shiikh kale.

Dhacdadan ayaa aad looga hadal hayaa Somaliland waxaana Shiikha xabaashisa la qodayey oo sannad kasta ay dad siyaartaan ay ku beegnayd xilligan maalmihii la booqan jiray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM