Wafdi kasocda dalka Jordan oo tagay Hargaysa [Daawo]

Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Wafdi kasocda dalka Jordan, ayaa maanta gaaray magaalada Hargaysa xarunta Somaliland, waxayna kulan la qaateen Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Siilaanyo.

Ujeedka socdaalka xubnahan ayaa la xiriirta sidii maamulka Somaliland ay ugala shaqayn lahaayeen hormarinta tahliinta gaar ahaan tayaynta jaamacadaha, waxaana xubnaha kasocda Jortay weheliyay Madaxweynaha Jaamacadaha CarabtaDr Suldaan Al-Cudwaan Abu Curaabi.

Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno katirsan golayaasha dowladda, ayaa soo dhaweyn ballaaran u sameeyay wafdigaas, iyagoo ku qaabilay xarunta Madaxtooyada.

Shir jaraa'id oo warbaahinta si wadaji rah ugu qabteen wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Suldaan Al-Cudwaan Abu Curaabi, waxay uga wada hadleen booqashada wafdigan ku yimaadeen deegaanada Somaliland iyo waxa kasoo baxay kulan ay wada qaateen maamulka iyo xubnaha Matalayay ururka Jaamacadda Carabta.

Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa xusay in xubnahan u yimaaden sidii ay tababaro u siin lahaayeen jaamacadaha islamarkaana uga faa'iidayn lahaayeen khibradda ay dheeryihiin.

Dhinaca kale, Suldaan Al-Cudwaan Abu Curaabi ayaa xusay inay u yimaadeen Somaliland sidii ay ula wadaagi lahaayeen khibrad iyo aqoon loogu talo galay in kor loogu qaado jaamacadaha ku yaalla dalka Somalia iyo Somaliland.

Waa markii saddexaad wafdi kasocda dalkaas yimaadeen Somaliland, waxaana arrintan kusoo aadaysa xilli ay jiraan jaamacado kala duwan oo ku yaalla magaalada Hargaysa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM