Wafti ka socda xukuumada Somaliland iyo xisbiga Kulmiye oo gaarey Taleex

Image

HARGEYSA, Somaliland- Wafti balaaran oo ka kooban xukuumada Somaliland iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa booqasho ku tagey maalintii shaley 29 Dec,2016 gobolka Sool.

Waftigaan oo safarkoodu khuseeyo uu kuurgalida arimaha abaaraha ka taagan gobolka iyo ololaha doorashada xisbiga Kulmiye ayaa waxaa uu ka kooban yahay  Gudoomiyaha xisbul-xakimka Kulmiye ahna Murashaxa  Madaxweyne ee Xisbiga, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasin Maxamuud Xiir (Faratoon), Wasiirka warfaafinta Maxamuud Cadaani ibraahim, Xildhibaan Saleebaan Yusuf Cali  Koore. 

Xubnaha waftigaan oo maalintii shaley odayaasha gobolka Sool iyo waxgrad kale kula kulmey magaalada Laascaano ayaa saaka 30 Dec, 2016 u ambabaxey magaalada Taleex halkaas oo ay booqanayaan xalaada degmada.

Degmada Taleex oo dowlada Puntland sheegto iney kamid tahay qaybaha gobolka Sool ee hood yimaada ayaa wayadaan dambe waxaa saameyn badan oo siyaasadeed ku yeeshey dowlada  Somaliland kadib markii halkaas ay booqashoyin ku tageen wufuud heer sare ee ka socota xukuumada Madaxweyne Silaanyo.

Wasiirka madaxtooyada Somaliland ayaa bartiisa Facebook soo dhigey in booqashada ay gobolkaas ku tageen tahay  iney u kuurgalayaan arimaha abaaraha. Halkaan ka akhri

Maxamud Cabdi Xashi ayaa qoraal uu soo dhigey bogiisa Facebook ku sheegey sidoo kale in xanuunka abaaraha ka taagan la qaybsanayaan shacabka dagan gobolka Sool.

Safarka waftigaan ee gobolka Sool ayaa ku soo beegmaya xilli madaxda sare ee Puntland booqashooyin qaatey muddo bill ah ku maqnaayeen magaalada Muqdishu iyadoo shacabka deganadaas  ka imaanayaan cabashooyin la xiriira abaaraha, amni xumo iyo sicir barar saameyey dhamaan dadka danyarta ah.

Dowlada Puntland oo xilalka ugu muhiimsan ay ka hayaan xubno ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa siyaasiyiinta goboladaan yihiin kuwo aan dhaafin magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Safarada xubnaha xukuumada ugu jira goboladaan iyo Xildhibanadooda gaaraya 17 xubnood ayaa u badan kuwa si dhuumaleysi ah ku taga magaaloyinka ay dhalasho ahaan kasoo jeedaan taasoo aan waxba ka duwaneyn midda shacabka caadiga ah ee degaanadaas. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM