​Xisbiga WADDANI oo dood ku qabtay Hargaysa

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Mid kamid ah axsaabta mucaaradka Somaliland ayaa xalay magaalada Hargaysa ku qabtay dood ay ka qayb qaateen qaybaha kala duwan ee bulshad taasoo looga hadlayay asbaabaha keena sare u kaca ku yimid lacagta maamulkaasi.

Dood cilmiyeed uu soo agaasimaha Xisbiga WADDANI oo ay ka qayb galeen khuburo ku takhasusay dhaqaalaha ayaa lagu lafo guray sidii wax looga qaban lahaa hoos u dhaca sicirka lacagt Shilling Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbigaas ahna murashaxa Madaxweynaha Somaliland ayaa Cabdiraxmaan Cirro ayaa tilmaamay in la maarayn karo dhibaatada shacabku ka qabaan hoos u dhaca lacagta, wuxuuna xusay in dooddan u qabteen sidii bulshada dhammaanteed isu dhaafsan lahaayeen afkaartooda si loo helo xal lagu maareeyo dhibkaas.

Cirro ayaa intaas ku daray in ka xisbi ahaan u taaganyihiin wax ka qabashada baahida shacabka isagoo ballan qaaday inay hormar ka gaari arrimo badan oo ay ku haminayaan inay wax ka qabtaan.

"Doodeena waxaan uga hadli doonaa sidii xal looga gaari lahaa arrimaha lacagta ku saabsan inagoo wax iska weydiin doona sida xagee inooga yimid Sicir bararku?, See u yimid?, iyo xalka halkee ka doonaynaa?, balse waxaa reeban inaan si gooni ah u fiiqno hay'ad am shakhsi katirsan xukuumadda Somaliland,"Ayuu yiri Mudane Cirro.

Qaar kamid ah dadkii ka qayb galay ayaa soo gudbiyay aragtiyo kala duwan iyo su'aalo la weydiinayay qaar kamid ah dadka Dhaqaalaha ku takhasusay ee wax ka dhiga Jaamacadaha ku yaalla Somaliland.

Barnaamijkan ayaa lagusoo beegay xilli dadweynuhu ka cabanayay hoos u dhac ku yimid Shilling Somaliland taasoo keentay in xukuumaddu xabsiga dhigto qaar kamid ah sariflayaasha taasoo keentay geerida Guddoomiyahoodii 26 January, 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM