​Xisbiga WADDANI oo eedeeyay Radio Hargaysa iyo SLNTV

Image

HARGAYSA, Somaliland- Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Ibrahim Mahdi Buubaa, oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargaysa ayaa eedayn usoo jeediyay xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo gaar ahaan wasaaradda Warfaafinta.

Buubaa ayaa sheegay in Telefishinka Somaliland iyo Radio Hargaysa oo ka miisaaniyad badan sida uu hadalka u dhigay Wasaaradaha dowladda qaybtood ay noqdeen kuwo ka shaqeeya kala faquuqa shacabka maamulkaas iyo qabyaalad.

"Waxaa dhacday in waxyaabo lagu duubay Whatsapp iyo group shakhsiyadeed inta la qaatay laga sii daayay Radio Hargaysa iyo Telefishinka Qaranka, iyadoo looga jeedo xajiin mucaaradnimo, taasoo ah mid aan warbaahinta laga isticmaali karin," Ayuu saxaafadda u sheegay Buubaa.

Wuxuu sheegay in dakhliga usoo qalay si gaar ah(Private) iyo kan ay ku leeyihiin xukuumadda oo ah mid xad dhaaf ah aysan ku qaban howshii qaranka, balse ay si baal marsan sharciga loo isticmaalo isagoo intaas ku daray inay jiraan dad shaqaalaha xarumahaas kamid  ah oo aan xaadirin shaqada balse mushaharka ku qaata goobaha ay joogaan.

Afhayeenka oo sii hadlaya ayaa xukuumadda uu hogaamiyo Siilaanyo ku dhaliilay in arrintan oo ay iyagu horay uga caban jireen markii ay ahaayeen mucaaradka aysan dib u eegis ku samayn balse ay ka darnaadeen dowladdii Riyaale.

Ibrahim Mahdi Buubaa, ayaa intaas ku daray inay dacwad ka dhan ah hay'adahaas warbaahineed u gudbin doonaan Guddiga doorashooyinka Somaliland, maadama ay ka shaqaynayaan waxyaabo aan munaasab ku ahayn waqtiga xasaasiga ah ee ay ku jirto Somaliland.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Arrintan ayaa timid xilli loollan ku salaysan doorashada Madaxtinimo ay ka socoto deegaanada maamulka Somaliland, taasoo dhexmaray axsaabta siyaasadda ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID.

HALKAN KA DAAWO SHIRKA JARAA'ID EE AFHAYEENKA XISBIGA WADDANI

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM