Fahfaahin ku saabsan Safarka Madaxweyne Farmaajo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar shaqo oo qaadanaya muddo hal maalin ah ugu amba baxay dalka Uganda, si uu dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni ugala hadlo in ay taageero ka gaystaan dagaal lagaga sifaynayo dalka argagixisada Alshabaab .

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneral Cabdiwali Jaamac Xuseen oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey safarka Madaxweynaha iyo muhiimadda uu u leeyahay qorshaha dagaal ee ka dhanka ah Alshabaab.

Jeneral Cabdi Wali Jaamac Xuseen waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu hordhigi doono Madaxda uu la kulmaayo khatarta iyo dhibaatada Alshabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed isla markaasna uu ka codsandoono in ay garab ku siiyaan Ciidanka Soomaaliyeed dagaalka ay dalka kaga sifaynayaan cadowgaan.

“Safarkani waxa uu ku soo beegmey xilli Soomaaliya ay u baahantahay in garab muuqda ay u hesho dagaalka lagu dabargooynayo argagixisada Alshabaab. Madaxweynuhu waxa uu la wadaagidoonaa Madaxda uu la kulmaayo dareenka Shacabka Soomaaliyeed ay ka muujiyeen Alshabaab, gaar ahaan intii ka dambeysay qaraxii Soobe.” Ayuu yiri Jeneraal Cabdi Wali .

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu safarro shaqo kusoo mari-doonaa qaar ka mid ah wadamada dariska ah ee Soomaaliya ka taakuleeya dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, isagoona Madaxda dalalkaas u soo bandhigi doono muhiimada uu leedahay dagaalka dowladdu ay qorshaynayso in ay ku qaado fariisimaha iyo goobaha ay dalka kaga suganyihiin Argagixisadu.

UPDATE: Madaxweyne Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Kampala, ee xarunta wadanka Uganda, waxuuna wada hadallo la yeelan doonaa dhigiisa dalkaas.

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM