Galmudug: Xiriir uma jarin Dowlada Somaaliya [Akhri]

Image

CADAADO, Somaaliya - War Saxaafadeed maanta oo Talaado ah kasoo baxay Agaasiimaha Madaxtooyada Galmudug, ayaa lagu beeniyay in maamulkaasi uu xiriirka u jareen dowladda Federaalka Somaaliya.

Warkan oo uu ku saxiixan yahay Agaasiimaha Madaxtooyada, Maxamed Cabdi Aadan, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamey Warqad lagu baahiyay Baraha Internet-ka, taasi oo sheegaysa in Galmudug xiriirka u jartay dowladda Dhexe. 

Halkan hoose ka akhri War Saxaafadeedka;

Beenin Warqad been abuur ah

Mudooyinkan dambe waxaa soo noq noqda warqado been abuur ah oo lagu baahiyo baraha bulshada, sida warqadda saaka la baahiyey oo ay sumaddeedu tahay Tix:XMGM/09/165 kuna taariikheysan 24/09/2017, ujeedkeeduna yahay xiriir u jarid Dowladda dhexe.

Hadaba, waxaa halkaan ku cadeyneynaa in warqaddaan ay tahay been abuur sal iyo raadna lahayn, mana ka soo bixin xafiska Madaxweynah Galmudug.

Dowlad Goboleedka Galmudug had iyo goor waxay utaagan tahay jiritaanka dowlad nimada Soomaaliyeed iyo wada jirka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ah.

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay u cadeyneysaa umadda Soomaaliyeed in Galmudug ay kamid tahay Dowlad Goboleedyada kajira Dalka, waxaana baaritaan ku wadnaa dadka caadeystey in ay baraha bulshada soo dhigaan waraaqaha been abuurka ah.

War Saxaafadeedka

GAROWEONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM