​Mashaariic ka badan 31 Milyan oo dollar oo Garowe lagu daah furay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Labo mashaariic oo waaweyn ayaa maanta lagu daah furay xarunta wasaaradda Caafimaadka Puntland ee magaalada Garowe kasoo kor loogu qaadi doono caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey iyo ku-xigeenka safiirka dowladda Jarmalka u fadhiya Somalia Amb. Markus Bollmohr ayaa mashaariicdaas daah furay kadib xaflad lagu qabtay xarunta wasaaradda ee caasumadda Puntland.

Mashaariicdan ayaa kala ahaa; Xoojinta Caafimaadka Puntland 2017-2018 iyo Tayaynta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka. Mid kamid ah mashaariicdaas waxaa dowladda Jarmalka fulinteeda u wakiilatay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta ee UNICEF, halka kan kale ay wada fulin doonaan GIZ oo Jarmalka laga leeyahay iyo Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Labadaas mashruuc waxaa ku baxaya lacag gaaraysa, 31 Milyan iyo 3 kun oo dollar.

Safiir ku-xigeenka dowladda Jarmalka  ee dalka Somalia, Amb. Markus Bollmohr, oo sharaxaad dheer ka bixinayay mashaariicdan ay ka wadaan dalka Somalia, ayaa sheegay inay doonayaan sidii Somalia looga taageeri lahaa kasoo kabashada dhibaatadii laga dhaxlay dowlad la’aanta oo dhibaato u gaystay kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka intaba kuwaasoo si gooni ah u saameeyay hooyada iyo dhallaanka.

Qaar kamid ah waxgaradka gobolka Nugal oo ka hadlayay mashaariicdan ayaa soo dhaweeyay, waxayna dowladda Jarmalka uga mahadceliyeen taageerada ay goor kasta la garab taaganyihiin dalka Somalia, waxayna  sheegeen in barnaamijyadan wax badan ka badali doonaan habka caafimaadka ee bulshada.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Cismaan Cuuke, ayaa tilmaamay in mashaariic badan dowladda Jarmalku ay kawado Puntland taasoo tusaale usoo qaatay dhismaha wadada isku xirta Garowe iyo Galkacyo, wuxuuna intaas ku daray in mashaariicdan mid kamid ah laga hirgalin doono gobollada Nugal iyo Mudug gaar ahaan goobaha laamiga ka baxsan.

Cuuke ayaa hadalkiisa ku daray in wasaaradda caafimaadka Puntland dadaal u gashay sidii mashruucan loo keeni lahaa maadama deeqdan ay kamid ah Sanduuq lagu taageeri jiray guud ahaan Somalia, balse bur-buray, sidaas awgeed ay ku daadaaleen in deeqdan aysan meesha ka bixin.

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa soo dhaweeyay mashaariicdan, wuxuuna sheegay in si wanaagsan uga faa’iidsan doonaan, isagoo dhinaca ku baaqay inay kala hadli doonaan Jarmalka sidii dhakhso loogu fulin lahaa.

Mashaariicdan waxaa laga faa’iidi doonaan, sida mas’uuliyiinta wasaaradda Caafimaadka Puntland sheegeen, Dhismaha Cusbital weyn oo laga dhisi doono Garowe, dib u habaynta kan Galkacyo, dhismaha Cisbitaalo cusub, MCH-yo iyo qalabayn kuwo hadda jira, kuwaasoo dhammaantood loogu talo galay in kor loogu qaado caaafimaadka hooyada, dhallaanka iyo sidoo kale tayaynta badqabka bulshada reer Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM