Ra'iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Madaxweyne Erdogan [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

NEW YORK, USA - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa oo ku sugan magaalada Newyork ee dalka Mareykanka ayaa weli kulamo gooni gooni ah laleh madax kala duwan.

Waxa uu kulamo gar ah la yeeshay madaxda wadamo ay ka mid yihiim Madaxweynaha dalka Turkey Recep Tayyip Ordogan, Madaxda Midowga Yurub, Dowlada Norwey, iyo Madax kale oo badan.

Kulamadan ayaa diirada lagu saaray xoojinta xiriiradda dawladahaas iyo Soomaaliya, iyadda oo si weyn loogu lafo guray kaalinta ugu haboon ee ay dowladahaasi kaga caawin karaan Soomaaliya dhinacyada Horumarka, Dhaqaalaha, Ammaanka iyo Maamul wanaaga.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo uga warbixiyay madaxddii uu la kulmay halka ay marayso xaaladda dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wax weyn iska badaleen, islamarkaana ay ka soo ka banayso dhibaatooyinka mudada jiray.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka warbixiyay dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab, isagoo sheegay in dowladdu ay guulo la taaban karo ka gaartay dhinaca ammaanka islamarkaana ay si dar dar leh ku wadaan dhismaha ciidanka Qaranka Soomaaliyeed si loo helo awood muuqata oo hanata gebi ahaan amniga Dalka.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in uu kulamo la qaato Madax sare oo ka socota dowladda Mareykanka iyo dalalka kale ee daneeya arimaha Soomaaliya.

Maalinta Jimcaha ee nagu soo beegan ayaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaruhu uu xarunta Qaramada Midoobay ka jeediyo qudbadiisii uu ugu talo galay sanadkan 2017  in uu ku soo bandhigo shirkan, taas oo noqonaysa midii ugu horeeysay ee Qaramada midoobay  uu ka jeediyo.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu gaaray New York shirkiisii ugu horeeyay la qaatay Wasiirka arrimaha dibada ee Ruushka, iyaga oo ka wada hadlay xariirka labada dal.

Dhanka kale wasiirada ku wehliyay socdaalkiisa  ayaa sidoo kale dhankooda ka qeyb galayay shirar ay yeelanayaan Wasiiro ka socda Dalalka ka qeyb galaya shirka iyo madax ka socta Beesha caalamka, waxaana socda Mowjado shirar ah oo ay dowladuhu isku dhaafsanayaan arrimaha dalalkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM