Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Somaaliya oo booqday Digfeer

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somaaliya - Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta booqday Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu kormeer ku sameeyey qeybaha gargaarka deg degga, qololka iyo sariiraha bukaan jiifka iyo qeyba kale oo muhiim ah kuna jireen dad Soomaaliyeed oo hayaan xanuuno kala duwan.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa u rajeeyey dadkii Soomaaliyeed ee ku jirey Isbitaalka in ALLAH uu siiyo Caafimaad deg-deg ah.

“Isbitaallada oo muhiimad gaar ah u leh ummad waliba ayaa ka mid ah goobaha uu dalkeenu ka liitay mudooyinkii bur burka, hase ahaatee isbitaalka Digfeer ayaa daboolay baahi badan oo dadka Soomaliyeed ay u aadi jireen dalka dibadiisa.” ayuu yiri Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Isbitaal Degfeer oo ka mid ah goobaha caafimaad ee ugu casrisan Afrika ayaa waxaa ku sugan dhaqaatiir iyo howl wadeeno caafimaad oo u dhashay wadanka Turkiga, kuwaasi oo uu Ra’iisul Wasaaruhu indha indheynta kadibna kulan la qaatay, isagoo ku amaanay howsha caawimaada ah ee ay dalkeenna ka hayaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM