Soomaalia: Maxaa looga hadlay Kulankii Farmaajo iyo Museveni?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KAMPALA, Uganda - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Uganda, ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne waxa ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, amniga gobolka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadatay nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa dhankiisa tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan Soomaaliya.

Madaxweyneyaasha labada dal, wax ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa kulanka ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Yusuf-Garaad Cumar, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Sayid Axmed Sheekh Daahir, Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Ciidamada Sarreeye-Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda Dibadda, Mudane Balal Maxamed Cisman.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM