Ethiopia iyo Eritrea oo isku balansaday ciyaar saaxiibtinimo

Image

Xulalka kubada cagta ee Ethiopia iyo Eritrea ayaa gaarey heshiis ay isku balansanayaan ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhaceysa bisha dambe ee Agoosto Magaaladda Asamara ee caasimada dalka Eritrea.

Sida laga soo xigtay wararka laga helayo dalka Itoobiya, xiriirka Kubadda Cagta ee dalkaas ayaa u diray dhigiisa Eritrea caasuumaad ay uga codsadeen inay yeeshaan kulan saaxiibtinimo oo ay labada dal dhex-mara.

Sikastaba, xiriirka kubada cagta dalka Eritrea ayaa la sheegay inuu aqbalay dalabka uga yimid dhigooda Itoobiya, waxaa lagu wadaa inay wada dheelaan dalalkaan bisha dambe, inkastoo aan la shaacin taariikhda rasmiga ah.

- Ma jirin cayaaro tan iyo 1998 -

Tan iyo 1998, markaasi oo uu bilowday dagaalka xuduuda ee labadda dal ma aanan jirin ciyaaro dhex-maray, xulalka kubada cagta ee labadda dal kadib markii uu xiriirkooda diblumaasiyadda uu gaarey meel hooseeya.

Sanadihii 2000 iyo 2010 Itoobiya ayaa qaadacday kulamo ay la lahayd dhigooda Eritrea. Dhanka kale, Eritrea ayaa sanadkii 2014-kii ku fashilantay inay usoo baxdo wareega Sideed dhamaadka tartanka xulalka Afrika.

Bishii hore oo uu xiriirka siyaasadeed ee labadda dal soo fiicnaaday ayaa waxaa ay sababtay in hogaanka kubada cagta ee dalalkaan ay ku dhiiradaan inay wada dheelaan ciyaar saaxiibtinimo, xili madaxda labada dal uu midba kan kale booqday, taasoo aanan dhicin sanado badan.

Sidoo kale, Todobaadkii hore diyaaraddaha Itoobiya ee Ethiopian Airlines ayaa duulimaadkoodii ugu horeeyay ku tegay magaaladda Asmara, iyadoo rakaab kasoo qaadey Addis Ababa.

Dagaalka Xuduudka ee labadda dal oo socday illaa 2000-dii, oo salka ku haya magaaladda Badime ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 70-kun oo qof, iyo Askar labada dhinac isugu jira, waxaana Addis Ababa ogolaatay inay wareejiso Badme dhawaan.

Sikastaba, ifafaalo nabadeed ayaa usoo bur-qaday shacabka labadda dal, kuwaasoo hogaamiyaashooda ay u muuqdaan kuwa si dhab ah u dhaqan-gelinaya heshiis nabada ee Algeris.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM