Maxay Shabaab u amartey in la xiro Garoomada Salaxa Muqdisho?

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Inkastoo aysan ka talin magaalada Muqdisho, hadana amar ay Al-Shabaab kusoo rogtey garoomada Salaxa ee caasimada Soomaaliya, kaasoo ahaa inay xiraan, ayaa dhaqan galay bishan Ramadaan.

Sababta ay ugu soo beegeen bisha Soonka ayaa waxaa la rumeysan yahay inay tahay inay jiraan tartamo lagu qabto bishaan garoomada Salaxa, kuwaasoo dhaqaalo badan uu kasoo galo milkiilayaasha.

Qaar kamid ah Milkiilayaasha Garoomada oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa xaqiijiyay in ay xiriiro lasoo sameysay Al-Shabaab, kuna wargelisay in lacagta Saacaddiiba ku kireeyaan Salaxa ay ka doonayso $3 dollar.

Illo wareedyo kale ayaa Garowe Online u sheegay in sababta kale ee ugu weyn tahay in dhalinyaradii Al-Shabaab ay ka qoran jirtay Muqdisho, lagu mashquuliyay Garoomada Salaxa ah, oo Habeen iyo maalin camiran, oo ay ku ciyaaraan.

Garoomada uu sameeyay amarka Al-Shabaab waxaa kamid ah mid ku dhex-yaala Beerta Nabadda oo ah meel ay u damaashaad tagaan Dad badan oo ku dhaw xarumo badan oo dowladeed iyo Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Inkastoo garoomada salaxa qaar la xiray, hadana waxaa jira kuwa qaarkood oo furan, islamarkaana lagu cayaarayo tartamo loogu talagalay in lagu wayneeyo bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Marka laga soo tago garoomada Salaxa, waxaa kaloo jira garoomo kale, kuwaasoo loo yaqaan Bacaadka, islamarkaana uu hadda ka soconayo tartamo, kuwaasoo heer gaban gaba ah maraya.

- Maxay Shabaab u beegsatey kaliya garoomada Salaxa? -

GO oo baaritaan ku sameeyay arrintaan ayaa wuxuu soo ogaaday in Al-Shabaab ay ka dalbatey milkiilayaasha garoomada inay doonayaa qeyb ahaan lacagta kasoo gasha garoonka.

Tusaale ahaan, garoomada Salaxa waa saacadii lagu kireeyaa $10 - Shabaab waxay shuruud uga dhigey milkiilayaasha garoomada inay lacagtaan ay qeyb ahaan iyaga ay siiyaan, inta kale ay qaataan.

Garoomada Salaxa wuxuu uga duwan yahay midka Bacaadka ah, wax lacag ah lagama qaado kooxaha dheelaya, inkastoo kooxo ka qeybgalaya tartamada la qabto bisha Barakaysan ee Ramadan.

Sidoo kale, Warsidaha GO ayaa ogaaday in garoomada Salaxa ee qaarkood furan ay ogolaadeen inay bixiyaan lacagta ay Al-Shabaab kusoo rogaan, iyagoona badbaasanaya naftooda iyo ganac-sigooda.

Dowladda Soomaaliya, gaara ahaan Wasaarada Amniga Gudaha, wali war rasmi ah kama soo saarin marka laga reebo in Afayeenka Wasaarada, Cabdicasiis Xilldhibaan beeniyay warkaan.

Al-Shabaab waxaa Muqdisho laga saaray sanadkii 2007-dii, laakiin wali waxay caasimada Soomaaliya ay ku leeyihiin saameyn toos ah mid aan toos ah, inkastoo dowlada marar badan sheegtay inay wax ka qaban doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM