Yusuf Haid: Iska Hadlow Ina Igare!

Image

Waxa aan arkay, wasiir Jamaal Maxamed Xasan, wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ee dawladda Federaalka oo ka hadlaya hey’adaha caalamiga iyo INOGS-ka, in ay Soomaaliya u soo guuraan.

Waxaan is weydiiyay sow ma haboonayn in marka hore ay dalka soo degaan madaxda Soomaaliyeed ee intooda badani qurbo joogta ah. Madaxda Soomaaliyeed ee maalina Soomaaliya joogta maalina dalka debediisa maa loo sheego marka hore inay dalka soo degaan, intaan laga hadlin UNka iyo hay’adaha ajnabiga ah ee madaxda Soomaaliyeed masruufa.

Wasiirku wuxu yiri, “Ujeedka waxaa uu ahaa in aan u sheegno hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya mashaariicda Soomaaliya inay Soomaaliaya joogaan,” Markan hadalkaas wasiirka akhriyay, waxaan isweydiiyay mashariicda wasiirku ka hadlayaa waa kuwo halkee ka socda?

Dalka Soomaaliya waa dal aan ku taagnayn dariiqii ama wadadii soo kabashada. Waa Dal ay ka jiraan dabaqado isku tiirsan oo isku dan ah iyo dabaqado dulman oo Alle mooye aan cidi u maqnayn, waxayna dabaqadahaasi kala yihiin:

1. Dabaqada koowaad ee dalka xukunta ee ajnabiga ah ee ka kooban hay’adaha UNka iyo kuwa kale ee caalamiga loogu yeero oo iyaga iyo reerahooduba tanaadeen oo ku nool Nairobi iyo dalal kale. Dabaqadaasi ma doonayso inay Soomaaliya yimadaan oo soo degaan. Waa dabaqad aan doonayn Soomaaliya inay wax iska bedelaan oo soo kabato. Wanaagga Soomaaliya iyaga dani uguma jirto. Hay’adahaas Soomaali ama dad Soomaali u duubnaxaya madax kama noqon karaan. Madax iyo mijoba dadka Soomaaliyeed wey sumaysay.

2. Dabaqada labaad waa dabaqad Soomaaliyeed oo ay dhistay dabaqadda Nairobi. Waa dabaqad fulisa oo ilaalisa danaha dabaqada Nairobi. Madaxda Federaalka, dawlad gobalyada iyo inta badan shaqaalaha dawladu waxay ka tirsanyihiin dabaqadan. Aqoonyahanadu waxay u shaqeeyaan dabaqadan. Jaamacaduhu waxay shaqaale u soo saaraan dabaqadan Nairobi. Waxa la orankaraa si toos ah iyo si dadbanba dalka mushaharooyinka laga bixiyaa waxay ka yimadaan dabaqada Nairobi. Dabaqada Nairobi waxay hubisay in dabaqada labaad ee Soomaaliyeed daacad u noqoto oo danaheeda ilaaliso. Dabaqada Nairobi, dabaqada Soomaalia si fiican bey u abaal marisaa.

Tusaale ahaan, Wardiyaha u shaqeeya UNka ama hay’adaha caalamka waxa u ka guno iyo mushar badanyahay Professorka Soomaaliyeed ee jaamacaddaha Soomaaliyeed wax ka dhiga. Shufeerka u shaqeeya UNka iyo Hay’adaha caalamku, wuxu ka mushahaar badanyahay xildhibaanka golaha shacabka ee dawlad goboleedyada. Dabaqadan Somaaliya waa danleey jiritaankeedu ku xiranyahay jiritaanka dabaqadda Nairobi. Waa dabaqad aan doonayn in dhibaatada Soomaaliya xal loo helo.

3. Dabaqadda ugu hoosaysaa waxa ay la mid tahay tu Frantz Fanon ku tilmaamay ‘The Wretched of the Earth’ (Kuwii Ifka ku cadaabnaa) oo u kaga hadlayo sida shisheeyuhu (Isticmaarku) u duleeyay oo u curyaamiyay dadka Africa. Waa nolol aan filayo in ayan waxba ka duwanayn sida ay inoo dulaysay ‘dhawrtada’ aan ku bahalownay ee aan ka helo dabaqada kowaad. Waa ‘cad quudheedka ay inoo soo tuurto dabaqada Nairobi ee aan ku mamnay. Dabaqadani waa dabaqada danyarta ee ka fakirta afka waxa ay carruurteeda u gelin lahayd, Marka madaxdeedii isugu faanayaan guryaha kumayaalka iyo malayiinta dollar ah ee ay Nairobi iyo magaalooyin kale ka iibasadeen! Waa dabaqada tahriibta ku le’atay, ka dib markay ka rajo dhigeen madaxdoodii dalkooda oo noqday tuug aan gabanayn. Waa dabaqada aan haysan damaanad shaqo, caafimaad, waxbarasho, iwm. Waa kuwa Ilahay mooye aan cidi kale sugayn. Waa kuwa nolosha ugu jira halggan aan hiil lahayn.

Bal fiirsada inta calooloweyn taagnayd Garoonka Adan cadde si ay u soo dhaweeyaan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo labadisii xaas iyo carruurtoodii midna gaystay Turkiga midna Tanzania, oo ku doodaya inu u yimi inu dhiso xisbi mucaarad ah. Ma meel wax la mucaarado baan joognaa? Waar dadku miyeeyan damiir lahayn?

Waxa la yiri nin baa gabar kufsady. Gabadha hooyadeed baa maqashay qaylada gabadha, markaas bey iyada oo budh sidata dul timi oo ninka lagashay. Ninkii marku xanuusaday buu gabadhii ka booday oo islaantu dhulka la galay. Gabadhii baa budhkii qaadatay oo ninkii oo hooyadeed saran la gashay. Islaantii baa qaylisay oo tiri, “ Hooyo ka daa raga lama xanuuje!” Marka Xasan wuu ogyahay in dawladda iminka jirtaa inay tiisii dhaanto miyuusan inaga xishoonayn? Miyuusan raqda dalka iyo dadka sugi karin si uu u fenfeeto lafaha ay ka tagaan? Miyuusan arkin waxa laga qoray isaga iyo dawladisii ? Waa QUDURO!

Marka Wasiirka Qorshaynta leeyahay, “waqtigii Nairobi la joogi jiray, oo Soomaaliya loo iman jiray shaqo maalin ah, ama 2 maalin ah waa dhammaatay,” Waxa isweydiin leh ma madaxda Soomaliyeed ee maalinwalba guryaha ka iibsanaysa Nairobi iyaga oo aan cariish ku lahayn Soomaaliya ee Nairobi degaanka ka dhigatay buu la hadlayaa, mise hay'adaha mushaharkiisa bixisa ee hadday doonaan eryi kara? Gaaladu waxay tirahdaa, “Who watches the watchman?” Iska hadlow waa ina Igare!

Waxaa Qorey: Yusuf Mohamed Haid


Prof: Yusuf Maxamad Haid waxaa uu kasoo shaqeeyey Radio Muqdisho, Director kasoo noqdey Talifishinkii qaranka Soomaaliya, waxaa uu jaamacada St Louis ee ku taal cariga Mareykanka ka bartey culuunta saxaafada, hadda oo uu shaqada ka fariistey waxaa uu casharo ka bixiyaa jaamacado ku yaal dalka Soomaaliya 

Related Articles

Puntland: Madaxwayne akhri qodobka 80-aad!

Sanadkii 2009 ayaa la asnixiyey dastuur loo dhanyahay, looguna wan-qalay inuu yahay sharciga ugu sareeya Puntland.

  • Fikradaha

    11-10-2022

  • 05:08AM

Yay tahay aminga in uu sugo!

"Sahminta inta badan fikirka amniga aadanaha [human security], wuxuu abuuraa iskaashi dheeli tira".

  • Fikradaha

    02-04-2020

  • 10:15AM