Fahfaahin cusub oo laga soo saarey xaalada caafimaad ee Boris Johnson

Image

LONDON, UK – Ra'iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa xaaladiisa caafimaad ay kasoo rayneysaa balse wali wuxuu ku jiraa daryeelka deg-deg ah, sidda uu sheegay afhayeen u hadlay xafiiskiisa.

"Isbiiridkiisu waa mid aad u wanaagsan," ayuu war-saxaafadeed ku yiri Talaadadii. Johnson waxaa Isbitaal la dhigay fiidkii Axadda.

Waqtigaas, guriga looga armiyo Ingiriiska ayaa tilmaamay in sababta loola cararay Isbitaalka ay tahay in ay ku adkaatey neefsashada.

Dhawaqaas ayaa yimid todoba maalmood kadib markii laga helay Coronavirus. Calaamadaha kasoo muuqdey waa xuumad iyo qandho daran, sidda uu Boris ku sheegay muuqaal uu ku xaqiijiyey cudurka.

Ingiriiska ayaa soo wariyey in ka badan 55-kun kiis oo Covid-19 ah. Dhimashadda waxay kor-u-dhaafeysaa shan kun oo ruux.

Cabsida laga qabo in ay sii kororto waa mid sareysa, sidda ay ka dhawaajiyeen saraakiisha caafimaad ee dowladda xulatay.

Sikastaba, Boris Johnson ayaa kamid noqonaya hogaamiyeyaal xilal haya iyo kuwa horey u soo qabtay oo cudurka qaadey, balse waxaa calaamad su'aal ay dul-saaran tahay in uu kasoo kici doono iyo in kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM