Kim Jong-un oo u tallaabay xadka dhinaca Kuuriyada Koonfureed

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Panmunjom - Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim John-un ayaa booqasho taariikhi ah ku tagey maanta oo Jimco ah dalka cadaawadda badan ka dhaxeyso, ee Kuuriyada Koonfureed si uu ula kulmo Moon Jae-in.

Kim ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyay oo xuduuda ka gudba wixii ka dambeeyay dagaalkii labada Kuuriya dhexmaray 1953.

Labada hogaamiye ayaa ku kulmay Xaafad ku taalla Panmunjom, oo ah xadka labada dal kala qeybiya, aag militeriga ka caagan [demilitarised zone], iyagoo kawada hadlay sidii nabad waarta loogu soo dabaali lahaa gobolka.

Kim oo hadal ka jeediyay tuulada ku taala xuduudda ayaa sheegay in maanta ay dhigayaan taariikh cusub oo horseedi doonto nabad, barwaaqo iyo xiriir wanaag dhex mara labada Kuuriya.

"Mar dambe hurdada subixii gantaal kaagama toosin doono," ayuu ku yiri Kim si kaftan ah madaxaweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in.

Kim: 'Waxaan nahay hal qaran'

"Ma jirto sabab aan u dagaalanno, waxaana nahay hal qaran," ayuu yiri Kim.

Moon iyo Kim ayaa balanqaaday heshiis nabadeed sanadkan inay kala saxiixdaan, kaasi oo Mareykanka iyo Shiinaha ay marqaati ka noqon doonaan.

Heshiis qodobadiisa waxaa ugu muhiimsan joojinta barnaamijka Niyukleerka Kuuriyada Waqooyi iyo is-dhaafsiga qoysaska labada dal ku kala xannibmay markii uu dhamaaday dagaalkii dalalka dhexmaray 1953.

Bisha August ee soo socota ayaa lagu balamay in uu dhaco is-dhaafsiga qoysaska, waxaana la filayaa inMadaxweynaha Kuuriyada wadooyi uu dhawaan booqdo magaalada Pyongyang.

Kulankooda kahor, Kim iyo Moon ayaa Geed ku tallaalay xadka [demarcation line] kaasi oo lagu dhubay ciid iyo biyo laga keenay wabiyo ku yaalla labad wadan, taasi oo ka tarjumaysa billowga nabada.

Kim John-un iyo xaaskiisa ayaa qado-sharaf loogu sameeyay Peace House, oo ku yaalla aagga qadka cagaaran, oo xigta dhinaca Kuuriyada Koonfureed.

Labada Kuuriya ayaa horey uga dhaxeeyay heshiis xabad-joojin ah, kaasi oo ay hadda ka shaqeynayaan in loo bedelo mid rasmi ah, oo colaadda soo afjaro, islamarkaana xiriirka lagu soo celiyo si caadi ah.

Mareykanka, China, Japan iyo dalal kale oo aad u daneynaya nabada gacanta Kuuriya ayaa si aad ah usoo dhaweeyay Kulanka maanta ee Kim iyo Moon, iyadoo la filaya in wadahadallo kale yeesheen.

Kim John-un ayaa wax ka bedelay siyaasadii lagu yaqiinay ee kaligii-taliska iyo mayal adeegga, waxaana uu hadda usoo jeestay in dalkiisa ka bixiyo xaaladda uu ku jiro iyo go'doominta reer galbeedka.

Bisha May ama June ee soo socda ayaa la qorsheynayaa Kim inuu la kulmo Trump, iyadoo bishan horaanteeda uu madaxa CIA-da, ahna xog-hayaha cusub ee arrimaha dibadda Madaxeyne booqasho qarsoodi ah ku tagey magaalada Pyongyang.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM