Madaxweynihii hore ee dalka Sudan oo geeriyoodey

Image

RIYADH, Sacuudiga - Madaxweynihii hore ee dalka Sudan, Cabdiraxmaan Suwar Al-Dahab ayaa kuu geeriyoodey caasimadda Sacuudiga, ee Riyadh shalay oo Khamiis ahayd, isagoo 84 jir ah.

Wakaaladda Wararka Sudan, ee KUNA ayaa xaqiijisay in Al-Dahab uu ku dhintay Isbitaal Militeri oo ku yaalla Riyadh, halkaasi oo loo dhigay xanuun soo wajahay.

KUNA ma aysan sheegin cudurka haleeyay Madaxweynihii hore ee Sudan, oo sababay dhimashadiisa, inkastoo waqtigiisa uu dhamaaday, oo tiisan gashay.

Al-Dahab, ayaa Sudan Madaxweyne kasoo ahaa intii u dhaxeysay 1985 illaa 1986, isagoo dalka ku qabsaday afgembi military, oo xukunka uu ka tuurey Jaafar Nimeiri.

Madaxweynaha hadda haya talada Sudan, Jeneraal Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa mudo 30 sano ah kursiga ku fadhiya, isagoo kamid ah madaxda Africa mudada ugu dheer xukunka haya.

Maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ee ICC ayaa 2009 soo saartey warqad lagu soo xirayo Al-Bashiir, kadib markii lagu eedeeyay inuu galay dembiyo ka dhan ah bini'aadanimada iyo kuwa dagaal.

Dalka Sudan oo ah midka ugu ballaaran dhul ahaan Africa ayaa la dagay sabooltinimo, sicir barar, hoos u dhac dhaqaale iyo qiimo dhac ku yimid lacagta dalka, kadib markii Mareykanka uu saarey cunaqabateyn.

Al-Bashiir ayaa balan qaadey inuu xukunka isaga degayo marka la gaaro 2020, islamarkaana qaban doono doorasho, iyadoo taasi shacabkiisa shaki ka muujiyeen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM