Trump oo shaaciyey in Mareykanka xiriirka u jarayo hay'adda WHO

Image

WASHINGTON, US – Mareykanka wuxuu soo gabagabeynayaa cilaaqaadka kala dhaxeeya Hay'adda Caafimaadka Aduunka [WHO], sidda uu ku dhawaaqay madaxweyne Donald Trump kadib dib-u-eegis uu isagu amray.

Trump ayaa Jimcadii wariyeyaasha u sheegay in talaabadan ay u qaadayaa "maadaama ay [hogaanka WHO] ku fashilmeen in ay sameeyaan dib-u-habeyn weyn oo laga codsaday" markii Washington ay dhaqaalaha uga joojisay walaac ay ka muujisay qaabka hay'adda ula tacaashay musiibada Covid-19.

"Waxaan maanta soo afjareynaa xiriirka hay'adda caafimaadka caalamka, waxaana kaalmadda u weecin doonaa hay'addaha kale ee caalamiga ah ee ka shaqeeya caafimaadka ee baahida u qaba," ayuu raaciyey.

Isagoo sii hadlaya, Trump oo rumeysan in China uu "maamulo" WHO ayaa tibaaxay "in mas'uuliyiinta Shiinuhu iska indha-tireen in ay warbixintooda la wadaagaan hay'adda ayna marin-habaabiyeen aduunyada oo idil".

Tan iyo markii bishii December, 2019-kii uu safmareenka Coronavirus kasoo bilowday magaalada bartamaha China ku taala ee Wuhan, cudurka wuxuu haleelay 5.8 milyan oo ruux, in ka badan 362-kuna wuxuu galaaftay.

Mareykanka ayaa si joogto ah ugu eedeeya Shiinaha in uusan dunida u soo bandhigin xaqiiqadda dhabta ah ee xaaladaha xanuunka gudahiisa.

Xilli xanuunka sii faafayo isla markaana uu saameeyay dhaqaalaha dunida, bartamihii April Trump wuxuu amray in la hakiyo kaalmada Mareykanka uu siiyo WHO, talaabadaas oo ay digniino kala duwan kasoo saareey dalal.

Dhaqaalaha uu Mareykanka u tabaruco Hay'adda Caafimaadka Aduunka, sidda laga soo xigtay Donald Trump, ayaa gaaraya 450-kun oo Doolar.

"China waxay cudurka ku qarisay Wuhun, waxay ogolaatay in uu ku faafo dunida oo dhan taasoo galaaftay nolosha 100-kun oo Ameerikaan ah. Dunida waxay jawaabo uga baahan tahay Shiinaha. Waxaa waajib ah in aan helno isla xisaabtan," ayuu kusoo xiray.

Mareykanka waa dalka ku yaala caalamka ee sidda ugu daran uu u saameeyay Coronavirus; dhimashadda illaa iyo haatan waxay ka badan tahay 102-kun oo ruux, dadka uu ku dhacay waxay sii cagcageynayaan 1.7 milyan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM