Trump oo sheegey halka uu kula kulmayo Madaxweynaha Kuuriyada Woqooyi

Image

WASHINGTON- Kadib markii la sugayey muddo asbuucyo ah, Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa maalinimadii Khamiista sheeegey in hogaamiyaha dalka Woqooyiga Kuuriya uu la kulmayo June 12, 2018. 

Waa Singapore- magaalo wadan oo ku taal Koonfurta Barri ee Asia ayaa waxaa ku nool Dad gaaraya 5.6 million.

Sadex arimood oo lagu xushey Singapore:

1-Singapore waxay xiriir la leedahay Washington iyo Pyongyang.

Singapore waxay xiriir  dhaqaale oo xor ah la leedahay dalka Mareykanka kaasoo ay kala saxiixdeen waqtigii xilka Madaxweyne uu hayey George W Bush iyadoo dhinaca kale mid diblomaasiyeed la leh dalka Woqooyiga Kuuriya.

2- u dhowaanshaha dalka Woqooyiga Kuuriya iyadoo ay ku adag tahay hogaamiyaha dalkaas inuu ku safro diyaardaha dalkiisa oo la sheegey iney gaboobeen kuwasoo aan ka bixi karin duulimaad dheer oo noqon kara dalalka taariikhda u leh martigalin kulamadaan oo kale Switzerland iyo Sweden.

3- Siyaasadiisa dhexdhexaadka ah taasoo ku saleysan gaar ahaan khilaafkii soo jiraanka aha ee u dhexeeyey Washington iyo Pyongyang.

Ku dhawaaqista xiliga uu kulankaan dhacayo ayaa ku soo beegmeysa xilli wadanka Kuuriyada Woqooyi xabsiga ka sii daayey 3 maxbuus oo u dhashey dalka Mareykanka.

Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi ayaa tan iyo intii uu ku dhawaaqey inuu joojiyey soo saarista hubka dilaaga ah ‘Nukliyeerka’ ayaa la kumay sidoo kale Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya iyo China.

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM