Camey: Aniga iyo Gaas waa inaan cafis ka dalbano shacabka Puntland [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwayne ku xigeenka Puntland, Cabdi Xakiin Xaaji Cumar [Camey] ayaa weerar afka ah ku qaaday xukuumada Cabdiwali Maxamed Gaas ee uu waqtigu ka dhamaaday, kadib Shan sano oo ay soo wada shaqeeyeen.

Camey oo oo ka hadlay munaasabad uu kaga dhawaaqay inuu yahay Murashax Madaxwayne ku xigeen doorashada 8-da January 2019 ayaa daboolka ka qaaday mudadii ay xafiiska joogeen ku fashilmeen waxyaabo badan.

Qodobada ugu waawayn ee uu carabka ku dhuftay waxaa kamid ah; amniga, siyaasadda iyo –cadaaladda.

Ugu horeyntii, wuxuu si cad u qiray in dayacaad dhinaca dowladda ka timid ay salka ku hayso in kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ay ku xoogeystaan degaanada Puntland, gaar ahaan gobolka Bari oo ay saldhigyo ku leeyihiin.

Camey ayaa qiray in isaga iyo Gaas ay sameeyeen dayacaad amni, sidaasi darteedna hadda la gudbaan tahay inay cafis waydiistaan shacabka Puntland, oo ay doonayaan in shan sano kale fashil ku hogaamiyaan.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa sidoo kale daboolka ka qaaday inay jiraan maxaabiis tirro badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasi oo dagaal lagu soo qabtay xabsiyada uu kasii daayay Cabdiweli Gaas.

Dhowr kale oo wali xabsiyadda ku jira ayuu xusay inay yihiin kuwa kaliya sugaya in lagu fuliyo xukun dil toogasho ah uu hortaagan yahay Madaxwayne Gaas, taasi oo uu calaamad su’aal wayn dul-dhigtay.

26 kamid ah maxaabiista Shabaabka ahaa ee dagaalka lagu soo qabtay ayuu afka ku balaariyay in iyadda oo ay isku khilaafsan yihiin Madaxwaynaha xabsiga laga saarey, kadib dalab ka yimid UNICEF ah oo inay dhaqan-celin u sameynyso.

“Shacabka ayaa looga baahan yahay in raadiyaan sababta dil toogasho loogu fulin waayay,” ayuu yiri Camey.

Madaxwayne Gaas ayuu ku eedeeyay danahiisa gaarka ah inuu kahormariyay midda Puntland, wuxuuna beeniyay inuu xiriirka kala dhaxeeya Villa Somalia kadib markii Gaas uu ku eedeeyay dhawaan inuu fulnayo awaamiir Muqdisho uga timid.

“Waxaan xaraf diimeed ahayn kuma bedalaynayo Puntland…Haa, xiriir waan la leeyahay dowladda Federaalka, balse, kuma aanan bedalan xil ama lacag, xilka aan Puntland u hayo ayaan ku qanac-sanahay,” ayuu Camey hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyntii, Madaxwayne ku xigeenka uu waqtigu ka dhamaaday ee raadinaya in dib loosoo doorto ayaa raalin gelin ka bixiyay in shacabka ay maqlaan khilaafka soo kala dhex-galay isaga iyo Gaas.

"Amnigeenu iyo dhaqaalaheenu uma eka siddii dowlad 20-sano jir ah," ayuu Camey ka sheegay madasha uu ka hadlay, isagoo u muuqday mid qiraya in dowladii uu kamid ahaa aysan dhaqan-gelin balamihii ay qaaday.

Gaas iyo Camey ayaa taariikhda Puntland baal mudgi ah ka galay markii ay noqdeen madaxdii ugu sareysay ee maamulkaan 20-sano jirka ah soo mara, kuwaasoo isku khilaafay magacaabista Guddiga Anisixinta xalinta khilaafaadka ee Gollaha Wakiiladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM