Camey oo diidey go'aankii madaxda maamulada xiriirka ugu jareen DF Soomaaliya [Dhageyso]

Image

GAROWE ( GO) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiim Camey oo wareysi siiyey Idaacada Daljir ayaa go'aankii madaxda maamulada xiriirka uga jareen dowlada federaalka ka horyimid isagoo sheegey in Madaxweyne Gaas uusan kala tashan arinkaas iskuna ogeyn.

Camey ayaa ku tilmaamey go'aankaas mid wax u dhimaya nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya isagoo xusey ineysan aheyn laga horyimaado Madaxweyne Farmaajo arinkana wadahadal lagu dhameeyo.

Ku xigeenka Puntland oo la waydiiyey ka horimaanshihiisa go'aanka madaxda maamulada gaar ahaan Madaxweyne Gaas tahay arin ku cusub Puntland ayaa difaacey hadalkiisa isagoo sheegey in go'aankiisu kamid yahay waxyaalaha uu u dhaartey.

Cabdixakiim Camey oo wax laga waydiiyey in diidamadiisa go'aankaan ku lug leedahay booqasho uu dhowaan ku tagey magaalada Muqdisho ayaa arinkaas ku timaamey wax kama jiraan isagoo hoosta ka xariiqey in isaga iyo Villa Soomaaliya wax gaar ah aysan ka dhaxeyn.

Dhinaca kale Camey oo la waydiiyey lacagaha DF Soomaaliya xisaab celinta uga rabto maamulda ayaa sheegey inuusan war ka hayn in Puntland lacagtaas heli jirtey islamarkaana aan marna lala socodsiin.

" Wax walba oo uu sheego Camey ee ku saabsan arinkaan ugubka ku ah Puntland waxaa hareeyey kalsooni darada shacabka Puntland ku qabaan Madaxweyne Gaas, gaar ahaan go'aankii soo baxey kaasoo dowlada Jarmalka ku joojisay dhismaha mashruucii dayactirka wadada isku xirta Garowe Galkacayo kaasoo shacabka maamulkaan dagan niyad jab ba'an ku ridey." sidaas waxa GO u sheegey qof dagan magaalada Garowe oo aan wax ka waydiiney sida dadweynuhu u arkey hadalka Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Ma aha markii ugu horeysey ee Madaxweyne ku xigeenka ka horyimid go'aano iyo heshiisyo Madaxweynaha Puntland la galey shirkado iyo madaxda maamulada Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM