Deni oo fahfaahiyey shirka uu ku casuumay DF iyo maamulada

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xaqiijiyey in gogosha ee uu fidiyey ay kaliya ka qeybgalayaan madaxda maamulada iyo dowlada, balse saamileyda siyaasada fursad kale la siin doono.

Deni oo meesha ka saarey in uu jiro wax gaar ah oo Puntland ay ka tirsaneyso dowlada federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in ay jiraan "caqabado aan leyska indha-tiri karin oo xaqiiqo ah".

"Runtii dowladda federaalka ah iyo Puntland caqabad gaar ah kama dhaxeyso, laakiin waxaa jirta caqabad guud ee dowladaha xubinta ka ah iyo dowladda federaalka ka jirta, oo aan la in-kiri karin oo xaqiiqo ah," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyey telefishinka Saab TV.

Wuxuu intaas raaciyey: "Markii aan xafiiska imid, waxaan imid iyaddoo muddo sideed bilood ka badan aysan wada-hadal yeelan dowladaha xubnaha ka ah iyo dowladda federaalka ah".

"Shirkii caleema saarka ee 26-kii Janaayo lagu qabtay halkaan [Garowe] waxaan kasoo qeybgalay dowlada federaalka oo madaxweynuhu hogaaminayey iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah, waxay halkaan ku yeesheen kulan horudhac ah oo sheekeysi ah, waxaa lagu balamay in bisha saddexaad ee sanadkii tegay isla shir la qabto, wuxuu jiitamaba bishii 5aad ee sanadkii tegay ayuu qabsoomay, runtii shirkaasina waxyaabihii ugu waaweyn ee la rabay in laga hadlo waa leysku af-garan-waayey," ayuu ku adkeystay.

Deni ayaa ku daray "shirkaas wixii ka dambeeyay shir rasmi ah oo u qabsoomay dowlada xubnaha iyo dowlada federaalka ah ma jiro".

Shirkii Wadatashiga Puntland ee 15-kii illaa iyo 17-kii Maaj ee sanadkan 2020 ku qabsoomay Garowe ayuu meesha ka saarey in uu xiriir toos ah la leeyahay khilaafka Puntland iyo dowladda Farmaajo.

War-murtiyeed laga soo saarey madasha ayaa ku booriyey xukuumadda Puntland in ay fidiso gogol ay isugu yimaadaan dowladda federaalka iyo maamulada, talaadaas oo Deni uu shaaciyey in uu ogolaadey.

Isagoo rajeeyay in laga gudbi doono arrimaha haatan taagan, Deni ayaa casuumay madaxda dowlada federaalka iyo maamuladda, isagoo socdaal uu arrintaas ugu gogol-xaarayo ku tegaya Muqdisho iyo gobolada.

Xili uu caddeeyay in maamulada kale uu xiriir fiican la leeyihiin, Deni ayaa cilaaqaadka dhow ee muddooyinkii dambe u dhaxeeyay Puntland iyo Jubaland uu daaran yahay faragelinta dowlada federaalka.

Gogasha uu dhigay Garowe ayuu tibaaxay in wejiga 1aad ay kasoo qeybgalayaan madaxda dowlada iyo maamulada, balse wuxuu qiray in xukuumadiisu fulineyso baaqyada shirka wadatashiga.

Inkastoo uu kalsooni ka muujiyey in laga gudbi doono "cakirnaanta siyaasadeed", xudunta khilaafka dowlada iyo maamulada ayuu ku qeexay "ku tagrifalka dastuurka iyo shuruucda la meelmarinayo wadatashi la'aanta".

Dastuurka ku meelgaarka ah ayuu carabka ku dhuftay in uu dowlad goboleedyada u ogolaanayo in ay xiriiro ganacsi la sameeyaan dibada, isagoo meesha ka saarey in Puntland ay sameyso xiriiro diblumaasiyadeed.

Diidmada Puntland ee ku aadan in dalka aysan doorasho qof iyo cod ah ka dhici karin 2020 ayuu ku tilmaamay dowladda federaalka oo diyaar-garow aan muujin gaar ahaan waxyaabihii loo baahnaa sida ammaanka.

Intii lagu guda jiray wareysiga, Deni ayaa ka shanqariyey in ay ka go'an tahay in uu Puntland ka saaro nidaamka qabiilka ee 4.5 isla markaana loo gudbo hanaanka xisbiyadda Puntland.

Xukuumadiisa ayuu sheegay in ay diyaarisay qorshe ay kaga hortageyso COVID-19, isagoo dadka ku booriyey in ay raacaan talooyinka. Taageero ay kaga timaada caalamka ayuu xusay in ay soo dhaweynayaan.

Somaliland oo uu ku eedeeyay "in aysan wajaheyn xaqiiqada dhabta ah" ayuu ku tartarsiiyey in ay faarujiso gobolada ay ku sugan tahay ee dastuur ahaan iyo dhaqan ahaan ka tirsan Puntland.

Maamulka Hargeysa oo uu ku nuux-nuux saday in uu dhowr jeer "jebiyey" xabad-joojin la kala dhex-dhigay ayuu hoosta ka xariiqay in ay diyaar u yihiin wadahadalo ay la galaan si loosoo afjaro colaadaha taagan.

Colaada Puntland iyo Somaliland oo salka ku haysa gacan ku haynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa ah mid sanado badan taagan, waxaana mar walba beesha caalamka ay ku boorisaa dhinacyada in wadahadal lagu xaliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM