Deni oo muddeeyay xiliga lagu dhawaaqayo xisbiga xukuumadiisa

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay in xukuumadiisa ay furaneyso urur siyaasadeed.

Xisbigan ayay dowladdu kaga qeyb-geli doontaa doorashooyinka ee soo aadan, oo qorshuhu yahay in ay noqdaan qof iyo cod.

Isagoo ka hadlayey xafladda sanad-guuradii 1aad ee doorashadiisa oo lagu qabtay Garowe, Deni ayaa caddeeyay in ay ka go'an tahay hirgelinta nidaamka xisbiyadda badan.

Ururka siyaasadeed ee xukuumadda Deni ayaa lasoo bandhigi doonaa Febraayo, 2020, sidda uu ka dhawaajiyey hogaamiyaha maamulka xubinta ka ah federaalka Soomaaliya.

"Waxaa lagu guda jiraa howlaha dhismaha ururka, waxaana Insha Allah, bisha labaad ee sanadkan, lagu dhawaaqi doonaa ururkaas qorshihiisa iyo magaciisa," ayuu ku daray.

Deni ayaa rajeynaya in qaar kamid ah martida xaflada ku biiraan ururka, inkastoo uu raaciyey "waan hubaa in ay jiraan kuwa diidi doona, waxaan diyaar u nahay tartan".

Guddiga doorashooyinka oo daah-furay qorshe howleedkiisa ayaa mar sii horeysay bilaabay diiwaan-gelinta ururada siyaasadeed soona bandhigay habraaca loo marayo.

Xukuumadda Deni oo muddo kooban ku magacowday, isla markaana kordhisay Miisaaniyadda Guddiga ayaa kalsoonida ka muujisay in ay Puntland ka saarto nidaamka 4.5.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM