Deni oo war kasoo saarey geerida ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa wuxuu ka tacsiyeeyay geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Xasan Abshir Faarax oo Axada maanta ah ku dhintay gudaha dalka Turkiga.

War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay in Deni uu murugada la wadaagayo qoyska, ehelka iyo asxaabta marxuumka oo xilal kala duwan kasoo qabtay waddanka.

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Golelayaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga," ayaa lagu yiri.

Waxaa la raaciyey: "Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir Faarax wuxuu marwalbo door muhim ah kasoo qaadanayey Dowladdnimada Soomaaliya marxalad kasta uu dalku soo maray, wuxuu soo noqday Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Safiirkii Soomaaliya ee Japan iyo Germany, Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Caasimadda Muqdisho iyo Xildhibaan Baarlamaan".

"Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu uga tacsiyaynayaa geerida Ra’iisal wasaarihii hore dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa," ayaa lagu soo xiray.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, ayaa dhankiisa ka tacsiyeeyay geerida, isagoo bedel waaagsan ALLE uga tuugay dhamaan caruurtiisa, qoyskiisa, ehelkiisa iyo asxaabtiisa.

"Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Ra'iisul Wasarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax. Waxa uu kaalin muhiim ah ka soo qaatay dib-u-dhiska dalkeena. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, innagana uu samir naga siiyo," ayuu kusoo qoray Twitter-ka.

Sikastaba ha ahaatee, marxuumka ayaa ahaa mid muddooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayey wadanka Turkiga, waxaana xaaladiisa caafimaad la tacaaleysay dhakhaatiir, balse ugu dambeyntii ay qadarta ALLE u timid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM