Deni rajeynaya in DF iyo Somaliland ay wada hadlaan, kana fogaadan dhiilada

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay todobaadka xorriyadda iyo xuska sanad guuradii 59aad ee kasoo wareegtay 26-ka June.

Taariikhdaasi waxay ahayd markii ugu horeysay oo dhul Soomaaliyeed laga taago calanka baluuga ah isla markaana gobolada waqooyi ay xorriyadoodii dib ugala soo noqdaan isticmaarkii Ingiriiska.

"Guushaasi waxaan ugu hambalyeynayaan shacabka Soomaaliyeed iyo halyeeyadii ka qeyb-qaatay halgankaasi lagu xorreynayey geyiga Soomaaliya," ayuu madaxweyne Deni yiri.

Halgameyaasha kuwa dhintay ayuu u rajeeyay naxariista EBBE, halka kuwa haatan nool ee cimriga ku jira uu ALLE uga baryey in uu siiyo caafimaad. "Mar walba waanu xusuusnaan doonaa," ayuu daba dhigay.

Jiilka cusub ee haatan jira ayuu madaxweynuhu ku buraarujiyey in ay ka qeybqaataan midnimada dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed. "Ciidamada iyo xaasaskooda ayaa si gaar ah ugu hambalyeynayaan," ayuu xusay.

Isaga oo kasoo muuqday muuqaal ay baahisay Madaxtooyadda dowladda Puntland ayuu dowlada federaalka iyo siyaasiyiinta ku tartarsiiyey in ay ka shaqeeyaan midnimada dadka iyo dalka.

"Dowladda Federaalka waxaan rajeynayaan in ay gudato waajibaadka dalka ka saaran … Dadka siyaasiyiinta ah waxaan ugu baaqayaan in ay ka qeyb qaataan isu soo dhoweynta dadka iyo maareynta mashaakilaada siyaasadeed ee dalka hareeyay," ayuu raaciyey.

Wada hadalka dowlada iyo Somaliland

Madaxtooyadda ayaa Talalaadadii waxay ku dhawaaqday in ay ka baaqsatey wakiilo ay u diri lahayd shir ka qabsoomaya Nairobi kaasi loogu gogol xaarayo wada hadalka dowlada iyo maamulka Somaliland.

Tani ayaa imaaneysa iyadda oo ay taagan tahay xiisad salka ku haysa xuduud badeed, taasi oo Maxkamada Cadaalada Aduunka ay dhageysan doonto bisha September 2019. [Halkan ka akhriso]

Wada xaajoodka ayaa hakad ku jira tan iyo sanadkii 2014-kii, waxaana dhinacyadda lagu tartarsiinayaan in ay miiska wada xaajoodka isugu yimaadaan si cid walba waxay tabaneyso loo gorfeeyo.

Mr Deni oo qadiyadan kusooo hadal-qaadey dhambaalkiisa isbuuca xorriyadda ayaa ku booriyey dhinacyadda in ay wada hadlaan isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo dhalin kara gacan ka hadal.

"Waxaan u rajeynayaan gobolada Soomaaliyeed ee koonfur iyo waqooyi [Somaliland] ay noqdaan gobolo mideysan, horumarsan, waxay kala tabanayaanna ku xaliya miiska wada hadalka, ka fogaada gacan hadalka iyo dhiilada, usoo jeesta sidii ay noqon lahaayeen dad ilaahey meel kuwada buuray oo walaalo ah, dal qura noqdan, dowlad qura noqdan horumarka dadka iyo dalka ka shaqeeyaan," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM