Faroole: Dowladan waxaan filayaa in ay dalka kusoo celiso sidan kaga tegay

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweynihii hore ee Puntland ahna xubin ka tirsan Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa si adag uga hadlay dhul-balaarsiga laga soo sheegayo magaaladda caasimada ee Garowe.

Xukuumadda oo shuruuc adag kasoo saartay ayaa si cad daaha uga rogtay in dhulalka danta guud aanan laysku qabsan karin, waxayna xustay in cidii ku lug-yeelata arrintaas talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

"Meeshii wasaarad ay horey u jirtay lahayd [dowladii dhexe ee Soomaaliya]…wasaarad Puntland maanta ayaa leh. Wixii kasoo hara oo aan midna ahayn Dowladda Hoose ee Puntland ayaa yeelaneysa, meel lagu kala gooyo waa la helayaa," ku bilaabay Faroole.

Muwaadiniinta ayuu ku booriyey in ay si nabdoon ku celiyaan dhulalka danta guud ayna ka baaqsadaan isku dhacyo kale oo uu dhiig ku daato.

"Hase yeeshee, waxaa la yiraahdaa 'oodi qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn'; maamulada siday doonan ha u kala yeesheen, laakiin in la baneeyo oo lasoo celiyo dhulku waa laga maarmaan," ayuu hoosta ka xariiqay.

Senator-ka ayaa soo jeediyay in sarre loo qaado bilicda caasimadda Puntland gaar ahaan wadooyinka oo u baahan laami saarid iyo balaarin.

"May dhici karto, mana suurtogeli karto, mana shaqeyn karto, in dowladda hadey damacdo in ay meel wax ka dhisato in ay ka dhisato weye; intaan hadda la baneynayo dhul weyn maahan, service [adeeg] bey noqon karayaan, waxyaabo badan oo ay dowladdu u baahan tahay sida; MCH-yo, caafimaad, meelo danyarta wax ku qabsato iyo meelo canshuurta lagu qaado ama dowlad dhexe meel ay nafteeda wax ka furato ama hay'adba ay noqoto ama boolis meel uu leeyahay ha noqoto. Dhul weyn oo dowladdu oo hadda leedahay oo la baneynayo kuma jiro," ayuu hadalkiisa raaciyey mudanaha.

Rajo wanaagan

Maamulkii uu majaraha u hayey Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] oo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo ku tagrfalka xoolaha dadweynaha ayaa hantida ma guurtada ah ee dowladda siiyey shaqsiyaad iyo shirkado gaar ah.

"Maamulkii aniga iga dambeeyay waad og-tihiin sida uu noqday. Waxaan arkaayey wadada Laascaano aada, aniga koley cid dhisaneysa ma aqaan, niman baa iska dhis-dhisanaayey oo iska socda oo aad moodid in darbigii Shiinaha uu yahay, ma aqaano cid loogu talogalay oo dhiseysa, halkaas waan arkaayey iyo qolo kale oo is-hor-fadhida. Waddan sidiisa ha lagu soo cesho, sidii aan kaga tegay dowladdan waxaan ka filayaa in ay kusoo celiso sideedii, dowladda hoose-na hor-gole u noqoto, maxaa yeelay maamulkii dalkan ka burburay dowladii madaxweyne Siyaad dhulka waxaa mas'uul ka ahaa maamulada dowlad degaanka ayaa ka ahaa, laakiin iyadda nafteeda in ay kala jigeyso waaye sida loo kala lahaanayo," ayuu Faroole xusay.

Mid kamid ah aas-aaseyaashii Puntland, Faroole, oo caddeeyay in aanan cidna loogu dulqaadan karin dhul-balaarsi ayaa shacabka ku tartarsiiyey in ay dowladda ku garab-siiyaan sidii ay badbaadin lahayd dhulalka danta guud.

Garowe ayuu carabka ku adkeeyay in ay tahay magaalo ay kawada leeyihiin shacabka Puntland, wuxuuna dalbaday in magaalooyinka kale "aanan loo degin qolo-qolo" si shacabka isku dhexgalo iskana kaashado horumarka.

Adeegyadda aas-aasiga u ah dowladnimada iyo nolosha bini'aadamka sida caafimaadka, waxbarashada iyo amniga ayaa waxa uu tibaaxay in ay muhiim tahay in la gaarsiiyo tuulooyinka fog-fog.

Wasaaradda Degaanka Puntlandayuu ku buraarujiyey in ay wax ka qabato xaalufinta dhirta oo lasoo warinayo. "Dhirta waa la jaraa, laakiin wali xaqiiqadaa ma hayo, waxaa la ii sheegay dad dhirta qalajiya, oo qoryo u gurta".

Gabagabadii, Senator Faroole ayaa ku taliyey in la tayeeyo Ciidamadda. "Askar wuxuu mushaharkooda ku yaraado, tirada ayey ka bateen..markaa tirro tayo leh halaga soo saaro, tiradaa tayada leh wax bey qaban karaan".

MUUQAALKA FAROOLE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM