"Gaas abaal la'aanta iyo asraarka beenta ah waa lagu yaqaanaa"

Image

GAROWE, Puntland – Xildhibaan Cali Xoosh, oo katirsan Gollaha Shacabka, ayaa ka fal-celiyay Buug uu qoray Cabdiwali Gaas kaasoo uu ku aflagaadeeyay mas'uuliyiin kala duwan oo qaarkooda qeyb ka ahaa aas-aaskii Puntland 1998.

Buugan oo uu Gaas kusoo bandhigay dhawaan dalka Mareykanka, ayaa wuxuu kusoo qaadey rag uu u bixiyey 'Midowga Shayaadiinta' wuxuuna is-barbardhig ku sameeyay xukuumadiisa iyo kuwii kale ee ka horeeyay.

"Waxaan la xiriiray Cabdweli, waxaan ku iri buugaas ma leedahay, wuuna ii qiray inuu leeyahay, wuxuuse ii sheegay in buuga uu gadaal ka fiican yahay, ima anficin warkaasi," ayuu yiri Xildhibaan-ka oo kamid ah shaqsiyaadka magacyadooda lagu xusay buugga.

Xildhibaan Cali Xoosh ayaa ku tilmaamay sababta ku kaliftay Cabdiwali Gaas inuu qoro buuga noocan ah ay tahay inuu ku qariyo xumaantuu lahaa, islamarkaana meel uga dhaco rag badan oo qiimo-gal ah, xagga mas'uuliyadda iyo aqlaaqda ku wanaagsan.

Cali Xoosh ayaa dib u xasuusiyay shacabka Soomaaliyeed abaalkii loo galay Cabdiwali Gaas oo 10-kii bishii June, 2011 uu kala hadlay C/raxmaan Faroole oo xilligaasi ahaa Madaxweynaha Puntland si uu ugu taageero in loo magacaabo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Waxuu Xildhibaanka wax laga xumaado ku tilmaamay in Gaas Ragga abaalkaas u geystay, oo siiyay taageero “HIIL IYO HOO” ah, uu maanta shayaadiin ku sheego.

"Abaal la'aanta iyo asraarka beenta waa lagu yaqaanaa, ninkii wanaag u gala, xumaan ayuu ugu abaal-gudagaa," ayuu yiri Cali Xoosh, oo daboolka ka qaadey in Cabdiwali uu sameeyay musuq-maasuq iyo daabacaada lacago been abuur ag [False], taasoo dabaqyo uga dhistay Garowe, Gaalkacyo iyo Washington DC.

Cabdiwali Gaas ayaa lagu yaqaanaa inuu madal-kasta oo uu tago, uu ka jeediyo hadal been ah, oo aan daacad ahayn, oo uu ku qanciyo dadka meesha ku sugan, tusaale ahaan isagoo Canada mar ka jeediyay hadal uu ugu gefey Puntland, oo uu ku tilmaamay meel ay ku nool yihiin dad sabool ah, oo aan aqoon lahayn.

- Argagaxiso kalkaal -

Isagoo hadalkiisa sii wata, Xildhibaan Cali Xoosha ayaa sheegay in Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu heshiis la galay, islamarkaana xoojiyay awoodda argagaxisadda ku sugan Buuralayda Galgala, sidoo kalena xabsiyadda kasii daayay xubno katirsan Al-Shabaab, oo amniga khatar ku ah.

Mudadii uu Gaas xafiiska joogay [2014-2019], Puntland ayaa waxaa ka dhacay weeraro argagaxiso, oo aan taariikhda horey uga dhicin, sida midkii Af-Urur 8 June 2017, oo dilal loo gaystay saraakiil ciidan iyo mas'uuliyiin kala duwan. 

"Musuq-maasuq"

Gaas ayaa dhaqaale burbur u horseeday Puntland, waxaana Xildhibaan Cali Xoosh uu xaqiijiyay in maraakiib deeq raashiin ah oo loogu tala-galay shacabka abaarta ku dhufatay, uu Cabdiwali Gaas leexsaday, kana iibiyay ganacsatada, laguna shubay Bakhaarada.

Waxa kaloo uu Xildhibaanka tilmaamay in Cabdiwali Gaas uu abuuray sicir-barar kadib markii uu daabacay lacago faalso ah, isagoo Baarlamaanka hortiisa markii lagu waydiiyay lacagtaas ma adigaa sameeyay, uu beeniyay, isagoo sidoo kale shaqaalaha dowladda ka been sheegay iyagoo aan mushahaar qaadin, yiri waan siiyay.

"Waa ninka baarlamaanka dhexdiisa lacagta uu sameeyay oo la yiri 'lacagtan ma sameyn' oo uu yiri 'gacantiina ayaan ku arkay' waa ninka intii shaqaalihii ay soo istaageen yiraahdeen 'mushahar ma aanan qaadan oo caan ah' oo isaga markaa Garowe dabaqyo ka dhisanayey oo hadda uga dhisan yihiin Gaalkacyo, Washington, lahaa 'shaqaaluhu mushahar buu qaatay' asraar noocaas ah aniga ahaan waa qofkii ugu horeeyay oo meel lasoo istaaga mas'uul noocaas ah," ayuu yiri Cali Xoosh. 

- Abaal-dhaca -

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Cabdiwali Gaas uu ku caan-baxay abaal-dhaca iyo inuu aflagaadeeyo ragga isaga soo gacan qabtey billowgii uu masraxa siyaasadda dalka soo fuulayay.

"Ragga uu Shayaadiinta uu ku sheegay, laakiin qiimigooda dadka kale og-soon yahay, waxaan ogaa oo aan anigu kamid ahaa lacag 100-kun oo dollar ah in aanu siinay oo jeebabkeena aanu uga qaaraanay, waqti uu lahaa doorashaaan gelayaa…abaal la’aanta marka waa lagu yaqaanaa, as-raarta beenta ahna waa lagu yaqaanaa…Farmaaijhii boosas-kaasi keenay iyo Faroole-iyo kuli waxa uu ugu abaal-guday waa lagu yaqaanaa…marka ninkii wanaag u gala xume ayuu ugu abaal-gudaa, as-raarkana waa yaqaanaa," ayuu daba dhigay.

MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM