Nuxurka Khudbadii Musharax Faarax Cali Shire ee Minneapolis [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MINNEAPOLIS - Musharaxa Madaxweynaha Puntland 2019 Faarax Cali Shire ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay magaalada Minneapolis intii uu booqashada ku joogay dalka Mareykanka.

Faarax Cali Shire ayaa Jaaliyadda reer Minneapolis uga warbixiyay xaaladda Siyaasadeed iyo midda amni ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan Puntland oo uu doonayo inuu hogaankeeda u tartamo doorashada January 8, 2019.

Mudane Faarax ayaa marka hore ka sheekeeyay marlaxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay, aas-aaskeedii, dadkii usoo halgamay iyo doorashooyinka Baarlamaaniga iyo madaxtinimo ee kusoo wajahan.

Musharaxa ayaa sheegay in Puntland ay sameysay horumar ballaaran oo la taaban karo mudadi ay jirtay ee 20-ka sano, kuwaasi oo ay kamid yihiin inay yeelatay heykal dowladeed oo dhamaystiran, Ciidamo u gaar ah, hab dhaqan-dhaqaale iyo nidaam maamulka la isagu bedelo hab doorasho oo nabad-gelyo ah 5-tii Madaxweyne ee soo martay.

Wuxuu tilmaamay Musharax Faarax Cali Shire in Puntland aysan wali gaarin hadafkii loo aas-aasay, oo wax badan ay ka dhiman yihiin, sida inay ka baxdo nimaadka doorashada ee qabiilka ku saleysan oo u gudubto nidaamka dimuqraadiga ah ee xisbiyada badan [Multi-party system].

Faarax Cali Shire ayaa balan qaaday in hadii uu ku guuleystay doorashada 2019-ka uu wax badan ka bedeli doono Puntland, islamarkaana soo celin doono midnimadii lagu dhisay ee 5-ta gobol iyo isku duubnadii shacabka.

Musharaxa ayaa sidoo kale balan qaaday inuu xaqiijin doono midnimada Puntland, oo ah mid lama taabtaan ah, si loo helo shacab iyo dowlad isku duuban, inuu soo celinayo deegaanada ka maqan, inuu dib u dhisayo hay'adaha dowliga ah iyo inuu cirib-tiri doono Musuq-maasuqa hareeyay Puntland.

Faarax ayaa la kulmay intii uu joogay Mareykanka qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka kala duwan ee dalkaasi, isagoo ku gudaha jira Ololihiisa Doorashada.

Waxa uu Todobaadkan sidoo kale tagey magaalada Toronto ee dalka Canada oo Khubado u jeediyay Soomaalida ku nool dalkaasi, oo dhageystay dareenkooda iyo aragtidooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM