Puntland oo beenisay warar laga faafiyey kiiska Caasha Ilyaas

Image

GAROWE, Puntland – Xeer-ilaalinta dowladda Puntland ayaa waxay si adag u beenisay warar la faafiyey oo ku saabsan in lasii daayey raggii loo xukumay kiiska kufsiga iyo dilka ee Caasha Ilyaasi Aadan.

Saddex shaqsi oo laba kamid ah ay walaalo yihiin kuwaasi oo midkood uu dambiga qirtay ayaa dil toogasho loogu xukumay gal-dacwadeedkan oo soo maray dhamaan hay’adda kala duwan garsoorka.

"Rag daba dhigtay kiiska Caasha ayaa You Tube-ka la wareegay laaluush baa la qaatay waa lasii daayey raggii, waxba ka jiraan arrintaasi," ayuu yiri Maxamuud Xasan Ow-Cismaan, xeer-ilaaliyaha Puntland.

Caasha oo ahayd Inan 12-jir ah ayaa lagu faroxumeeyay Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug, bishii Febraayo ee sanadkan, kahor inta aan la afduuban oo jirdil iyo garaacis aan la isugu darin.

"Kiiskaan dhamaan hay’addihii sharciga waa uu soo maray kaliya fulin ayuu sugayaa," ayuu ku daray. "Raggaasi waa la hayaa, xabsi adag ayeyna ku jiraan, mana baxsan, lamana sii deyn," ayuu ku daray.

Go’aanka dilka toogashada ah ayaa garka loo geliyay saddexda qof ka gedaal markii lagu helay caddeymo ku aadan dheecaano laga qaadey kuwaasi oo muujiyey in ay la falgaleen gabadha yar.

"Insha Allah, goortuu ALLE idmo ayaa lagu fulin doonaa," ayuu ku jawaabay markii Puntland State Tv uu waydiiyey goorta sida rasmiga loogu fulin doono xubnahan xukunka aadka looso dhaweeyay ee lagu riday.

Dhinaca kale, xeer-ilaaliyaha ayaa waxa uu tibaaxay in geedi u socodka sharciga ay ku jiraan laba gal-dacwadeed kale oo ka kala dhacay Burtinle iyo Garowe, kuwaasi oo la xiriira kufsi iyo dil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM