Puntland oo diidey in Xildhibaanada DFS ay xafiisyo siyaasadeed furtaan

Image

GAROWE, Puntland – Puntland ayaa waxay si rasmi ah u joojisay in Xildhibaandda dowladda federaalka ah ay xafiisyo siyaasadeed ka furtaan gobolada kala duwan ee maamulkaas.

Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa amartay in albaabada loo laabo xafiisyo ay xubno kamid ah baarlamaanka iyo golaha wasiiradda federaalka ka furteen degaano ka tirsan dowlad goboleedkaas.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, oo sharaxaad ka bixiyey war-saxaafadeed lagu joojiyey furashada xafiisyadda ayaa wuxuu ku qeexay "illaa iyo amar dambe".

Qoraalka ayaa lagu sheegay in mamnuucista ay shaqeyneyso inta heshiis laga gaarayo nooca doorasho ee dalka ka qabsoomeysa marka uu dhamaado muddo xileedka xukuumadda haatan dhisan.

Sidda laga soo xigtay bayaanka oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online, sharcidejiyeyaasha ayaa nan wax latashi ah kala sameynin maamulka kahor inta aysan furin xafiisyadooda.

"Illaa iyo amarka dambe markaan leenahay waa illaa iyo amar dambe uu soo baxo. Marka ay cadaato hanaanka doorashadda Soomaaliya lagu geli doono markaas ayey noqoneysa hadii ay baahiyehaasi jiraan in xafiisyo la furto iyadda oo laysla ogol-yahay," ayuu yiri.

Go’aankan ayaa wuxuu yimid ka gedaal markii wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka ay degaano kamid ah Puntland ka furteen xafiisyo.

Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Qorsheynta, ayaa la xaqiijiyey in "Xafiiska Xiriirka & Adeegga Bulshada ee Xildhibaan Jamaal M Xasan" uu ka hirgeliyay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag.

"Warqaddan hadda ma aysan quseyn meel gaar ah, waa fariin ku socota gudoomiyeyaasha gobolada iyo degmooyinka Puntland oo ujeedeedu tahay in hadii ay jireen meelo horey looga fura in la xiro, hadii aysan jirina in aan la furi karin illaa iyo amar dambe".

Mr Dhabancad ayaa meesha ka saarey in ujeedka war-saxaafadeedkan uu yahay "caburin" iyo mid salka ku haya khilaafka u dhaxeeya qaar kamid ah dowlad goboleedyadda dalka iyo Villa Soomaaliya.

"Laakiin waxa laga hortagayo waa xafiisyo siyaasadeed iyo olole ku saleysan soo noqoshada Xildhibaanadaas raadiyaan in ay dib u hantaan kuraasta ayna ka gedaan dadka in ay iyaguu yihiin degaan doorashadooda waa taas middan ka hortagayo in dadka la jahwareejiyo".

Mudaneyaasha ayaa markii hore waxay ku yimaadeen hab-qeybsi qabiil, walina laguma heshiinin nidaamka xiga ee looga gudbi doono, wallow rajadu tahay in 2020-21 ay qabsoonto doorasho qof iyo cod ah.

Dhinaca kale, Senator Maxamed Mashruuc oo Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ku metela maamulka Puntland, ayaa wuxuu ka jawaabay go'aankan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM