Puntland oo diyaar u ah in ay u kala dabqaado Jubaland iyo DF

Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay Boosaaso, kadib Caleema Saarkii Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweyne Deni ayaa mahadbalaadhan u jeediyey shacab weynaha magaalada Boosaaso, isimada, nabadoonada , Wax-garadka, siyaasiyiinta, masuuliyiinta Goleyaasha Dowladda, saraakiisha ciidamada, maamulka Gobolka, kan degmada iyo masuuliyiinta kale ee sida diiran ugu soo dhaweysey garoonka caalamiga ah ee magaalada Boosaaso isaga iyo weftigiisa.

"Mar ka u horaysa aad ayaan idiinka mahadcelinayaa, waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan isku soo guryo noqonay anagoo nabad ah iyo idinkoo nabad ah, waxaan sidoo kale Alle ka rajaynayaa hawlihii shaqo ee aan Boosaaso u joogey inay sii socondoonaan".

Madaxweynaha Puntland ayaa salaan iyo mahadnaq balaadhan kasoo gaadhsiiyey shacabka Jubbaland walaalahooda Puntland, waxa uu tilmaamay in Puntland markasta ka go'antahay garab istaagga dhismaha dowladnimada Jubbaland.

"Dabcan sidaad ka warqabtaan waxaan ka qayb galnay xafladdii caleema saarka magaalada Kismaayo ee loogu qabtay Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, runtii wuxuu ahaa caleema saar si mugleh ay Puntland uga qayb gashay, waxaa tegey Wasiiro, Xildhibaano, odayaal iyo wax-garad tiro badan oo kamid ah bulshada Puntland, wuxuu ahaa misaan weyn oo ay Puntland ka qayb gashay aniga iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo runtii isagu kaalin weyn kulahaa xilligii ay aasaasmaysey Jubbaland," ayuu yiri.

Wafdiga Puntland ee kasoo muuqday munaasabadda waxaa qayb ka ahaa Senator Cabdiraxmaan Faroole, madaxweynihii hore ee Puntland ahna xubin ka tirsan Aqalka Sare ee federaalka dalka.

"Runtii shacabka Jubbaland waxay nasoo fareen salaan, waxay aad uga mahadceliyeen inaan xafladdaasi kala qayb galno iyo garab istaagga aan marwalba garabtaaganahay xaaladaha ay soo mareen iyo dhismihii Jubbaland-ba, ugu dambayn Jubbaland iyadoo kaashanay Shacabka Soomaaliyeed iyo Puntland-ba lugaheeda ayay ku istaagtay, runtii ka qayb galka Puntland madashaasi waxay ahayd arrin muhiimadsiisa leh, anana waan ku faraxsanahay inaan walaalaheen kala qayb galno maadaama Puntland nidaamka Federaalka saldhig u hayd, maamulada kalena waan kala qayb gelaynaa sidan oo kale".

Magaala madaxda ku meel gaarka Jubaland ayaa kamid ah kuwa ugu nabdoon caasimadaha dalka, waxaana sugitaanka nabad-gelyadeeda lagu bixiyaa miisaaniyadda ugu badan.

"Magaalada Kismaayo nabadgelyadeedu taam ayay ahayd, culaysyo dhinacyada xuduudaha ka saaran ayaa jirey oo nimankii nabaddiid ka ahaa wayjoogaan, hawada iyo baddana culaysbaa ka saarnaa, dhinaca dhaqaalaha culays adag baa ka jirtey isna, waxaan rajaynaynaa ummadda Soomaaliyeed meelkastay joogaan in bulshada badan ee halkaasi ku dhaqan culayska dhaqaale ee saaran looga gurmandoono.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland ku booriyey inay maalgashtaan magaalada Kismaayo. Dhinaca kale waxa uu Soomaaliya u rajeeyey "in ay ka bog-soon doonto dhibkii ay soo martay"

"Waan ku faraxsanahay shirkado farabadan oo shirkadihii reer Puntland ahaa ayaa ganacsigoodu magaalada Kismaayo ka muuqdey oo maalgashtay, waan rajaynayaa Soomaaliya dhibkii ay soo martay inay ka raysan doonto, hore loo socondoono, nidaamkii Federaalka ahaa inuu hirgelidoono ayaan Alle ka rajaynayaa, dulqaad, wadahadal iyo is-qancin in looga gudbo wax kasta, nidamkeena weli curdinka ah inuu hirgalaan rajaynayaa," ayuu xusay.

Deni ayaa si cad uga dhawaajiyey in Puntland ay diyaar u tahay in ay u kala dab-qaado Jubbaland iyo dowladda federaalka ama cid kasta oo "diidan doorashadii Axmed Madoobe".

"Nidaamka federaalka in uu shaqeyn doono ayaan rajeynayaa. Khilaafkaad kasta, wada hadal, dulqaad iyo is-qancin in loo gudbo ayaan rajeynayaa. Nidaamkeena curdunka ah in uu taabo galo ayaan rajeynayaa".

Axmed Maxamed Islaam ayaa ku guuleystay doorasho xor iyo xalaal ah oo bishii Augsust 2019-ka ka qabsoontay magaaladda Kismaayo, waxaana la caleema saarey 12-kii bishan October.

"Khilaafka u dhaxeeya Jubbaland iyo dowladda federaalka, Puntland waxay diyaar u tahay in ay ka qaadato kaalinta kaga aadan, intii ay wax socdeen qayb weyn baan ku lahayn isu soo dhoweyntooda, haddertana waxaan rajeynayaa in aan sii wadi doono. Iyaga ama dowladda federaalka ama xubnaha kale ee diidan nidaamka doorasho ee meesha ka dhacay, oo runtii wax badan oo la tilmaami karo aysan jirin. Laba qof ayaa runtii hadda saluug muujiye, iyagana ma ahayn miisaan bulshada ka maqan, laakiin qof kasta oo maqan waa in la raadiyo sida uu dowgu yahay," ayuu hoosta ka xariiqay madaxweynuhu.

Soo afjaritaanka khilaafka Jubaland iyo Villa Soomaaliya ayaa muhiim u ah doorashadda 2020-21 ee dalka, qabyo tirka Dastuurka iyo arrimo kale oo ay kamid tahay barnaamijka Deyn Cafinta.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM