Puntland oo fasirtay qodobo la duray kuna jira heshiiska doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Puntland ayaa si furan waxay sharaxaad dheeraad ah uga bixisay qaar kamid ah qodobada ku jiray heshiiska doorashooyinka Muqdisho kuwaasoo ay su'aallo ka gudbiyeen dhinacyo kala duwan.

Cabdullaahi Cali Xirsi [Timacade], wasiirka warfaafinta maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya oo u waramay BBC-da, ayaa daaha ka rogay in war-murtiyeedka wadahadaladii qabsoomay kusoo baxeen wada ogol.

Timecade oo is-dul-taagay qodobka xeerinaya in howlaha doorashada bilaabanayaan 1-da November ayaa ku macneeyay in maalintaas qorshuhu yahay in si rasmi ah u bilaabato coddeynta xubnaha baarlamaanka 10aad.

"Qaddarta Ilaahey baa leh, laakiin waa [la qaban karaa]," ayuu raaciyey, isagoo tilmaamay in uusan jirin farqi weyn oo u dhaxeeya doorashada soo aadan iyo tii 2016 marka laga reebo in goobaha coddeynta laga dhigay laba goob.

Baarlamaanka federaalka ah ayuu kalsooni weyn ka muujiyey in ay meelmariyeen heshiiskan siyaasadeed marka la horgeeyo maalmaha soo aadan, isagoo carabka ku adkeeyay in aysan u banaaneyn fursad ay wax uga bedelaan.

"Hadii ay [ansixin waayaan] oo ay isku dayaan in ay wax ka bedelaanna, mas'uuliyada wixii ka yimaada iyo mar-xalada uu dalku galo iyagaa qaadi doona," ayuu ka dhawaajiyey, isagoo u muuqda mid ka digaya in ay diidaan.

Guddiga isku-dhafka ah ee dowladda iyo maamulada soo magacaabayaan si ay u hogaamiyaan howlaha doorashooyinka soo aadan ayuu tibaaxay in ay waajibaadkooda ku gudan karaan waqtiga ay haatan haystaan.

Wasiirka oo difaacay in la laalay qodobkii dhigayey in doorashada lagu galo hanaanka xisbiyada badan ayaa ku adkeystay in dalka uusan u diyaar-saneyn tartan axsaab marka loo eego xaalada amni iyo sharciyadooda.

"Xataa afarta sano ee soo socota ninka imaan doona uma maleyn maayo in ay gaari doonan [doorasho qof iyo cod ah]," ayuu ku nuux-nuuxsaday.

Qodobka xeerinaya soo xulista ergada ayuu ku fasiray in dowlad goboleedyada iyo bulshadda Rayidka ay xaqiijinayaan qofka liiska lagu soo darayo "hadii uu dambiile yahay, hadii uu Daacish iyo Al-Shabaab yahay iyo hadii uu u qalmo".

Kuraastii Villa Soomaaliya u gobeysay gobolka Banaadir isla markaana mashruuca siyaasadeed ee oor-kacsiga ahaa ayuu xusay in aan lagu soo qaadin wadahadalada Muqdisho si lamid ah wada-xaajoodyadii Dhuusamareeb.

"Qodobkaas Dhuusamareeb3 laguma soo qaadin, midkaanna [shirka Muqdisho] laguma soo qaadin, waxaan u maleynayaan in qodobkaas ay waxyaabo badan ka horeeyaan," ayuu Timecade yiri, isagoo hadalkiisa raaciyey: "Hadii laga wadahadlay waa arrin u baahan in la waydiiyo Cumar Filish iyo Farmaajo".

Ugu dambeyntii, mudaneyaasha gobolada waqooyi [Somaliland] ku meteli doona baarlamaanka federaalka ah ayuu afka ku balaariyey in lagu soo dooran doono hanaankii loo maray doorashadii 2016 xilli aan la shaacin tirada ergadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM