Puntland oo ganaaxdey doonyo kalluumeysi sharci darro lagu qabtay

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa ganaaxdey todoba [7] doonyo oo lagu soo qabtay kalluumeysi sharci darro ah, sidda uu ka dhawaajiyey Wasiirka Kalluumeysiga, Maxamed Faarax Cawaash.

Kalluumeysiga sharci daradda ah oo sidoo kale loo yaqaano jariifka [oo la macno ah xaalufinta kalluunka] ayaa ah dambi caalami ah, waxaana jira dalal iyo dowladda si gaar ah dabagal ugu sameeya.

Qalab casri ah oo lagu ogaado doonyaha ama maraakiibta jariifka sameyneysa ayaa jira, waxaana Puntland ay kamid tahay meelaha Soomaaliya ka tirsan ee aaladaas casriga ah ay yaaliin.

Hase ahaatee, caqabadda kaliya ee qalabkaas leeyahay ayaa waxay tahay in uusan soo bandhigi karin xaqiiqadda dhabta ah, balse uu muujinayo tanka [cadadka] kalluun uu markabka ama doonta saaran.

"Mudada lixda bilood ee aan [xafiiska] joogno lix doon oo kalluumeysi sharci darro ah sameynayey ayaan soo qabanay waa ganaaxnay; digniina waan siinay kuwa kale oo badan," ayuu u sheegay Puntland Tv.

Wasiirka ma uusan soo bandhigin dalalka laga leeyahay doonyahaas iyo sidoo kale cadadka lacagta ay garka u geliyeen.

Wasiirka ma uusan soo bandhigin dalalka laga leeyahay doonyahaas iyo sidoo kale cadadka lacagta ay garka u geliyeen.

Balse wuxuu ku daray: "Iskaashi badan ayaan wadnaa, waana sii wadi doonaa la dagaalanka kalluumeysiga sharci daradda ah".

Doonyaha kalluumeysiga sharciyada daradda ah sameeya oo isugu jira Waddani, gacansaar la leh shisheeye, iyo ajaaniib biyaha dalka kusoo xadgudubta, ayaa u iib-geeya qaar kamid ah dalalka deriska ah.

Si taasi meesha looga saaro, dowladda Puntland ayaa qorsheyneysa in ay dekad kalluumeysi ka hirgeliso magaaladda Eyl, waxaana masharuucaas la siiyey shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo fulin doonto.

Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ugu badan oo ay ka dhacaan kalluumeysiga sharci daradda ah, inkasta oo ay socdaan dedaalo abaabulan oo wax looga qabanayo ayna jiraan ciidamo xeebaha ku sugan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM