Puntland oo muddeysay xilliga ay fureyso duulimaadyadda caalamiga ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada Puntland ayaa shaacisay in ay rajeyneyso in bartamaha bishaan June ay dib u furto duulimaadyada caalamiga ah oo horey loo joojiyey cabsida laga qaabo faafitaanka safmarka Covid-19.

Ilyaas Cismaan Lugatoor [Gebiley], wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo garoomada, ayaa ka dhawaajiyey hadalkaas xilli uu wareysi bixiyey.

Mr Lugatoor ayaa tilmaamay in duulimaadyadda maxaliga ah ay dib u bilaaban doonan 8-da bishaan June ee sanadka 2020. Taariikhdaas waxaa qaadmaya xayiraadaha diyaaradaha maxaliga ah ee Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, 3-da bishaan June ayaa qorshuhu ahaa in la qaado xayiraada duulimaadyadda gudaha, balse dib-u-dhac baa ku yimid.

Intii uu socday wareysiga, wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in ay ku fekerayaan in soo rogaan xeer cusub oo ah in dadku kala fogaadaan inta ay saaran yihiin diyaaradaha, tusaale ahaan labadii qofba uu u dhaxeeyo hal kursi.

Ethiopian iyo Daalo Airlines ayaa kamid ah diyaaradaha ka howlgala garoomada Puntland ee sameeya duulimaadyadda caalamiga ah.

"Duulimaadka caalamiga ah isagu wuxuu ku xiran yahay Ethiopian Airline iyo Daalo Airline oo inaga nagu xirnaa oo waddanka ka shaqeynayey; Ethiopian Airline oo kale annaga diyaar baanu u nahay in ay timaado, laakiin meelo ayay ku xiran yihiin meelaha ay dadka u sii qaadi lahaayeen gaar ahaan Kenya iyo Uganda hawadooda way is furi doonan hadii la gaaro 10-ka bisha waa okay dunida oo dhan hadda waa is-fur-furtay, marka waxaan rajeyn doonaa bishaan bartamaheeda wixii ka dambeeya in ay furmi doonan," ayuu u sheegay muuqaal-baahiyaha ku hadla afka dowlada Puntland.

Mar uu soo hadal-qaadey qorshaha uga degan dadka la filayo in ay ku yimaadaan diyaaradaha kadib furitaanka duulimaadka ayuu ka dhawaajiyey in baaritaan lagu sameynayo isla markaana la karantiili doono.

Duulimaadyadda ayaa kamid ah ilaha ay dhaqaalaha ka hesho dowladda Puntland si lamid ah xukuumadaha kale ee caalamka, waana mid kamid ah kaabeyaasha dakhliga ee ugu muhiimsan guud ahaan dalalka adduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM