Puntland oo shaacisay mowqifkeeda shirkado ay shatiga kala noqotay DF

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa ka dhawaajisay "in ay xaq ahayd" talaabadda ay xukuumadda federaalka Soomaaliya shatiga duulimaad ugala noqotay shirkadaha laga leeahay waddanka Kenya.

Shirkadaha oo lagu kala magacaabo Buff Air Services iyo Silverstones Air Services ayaa lagu eedeeyay in ay si dhuumaaleysi ah Qaad ku geeyeen magaalooyinka Buuhoodle iyo Jowhar, bishii hore ee May.

Wasaaradda Duulista Hawadda xukuumadda federaalka ah ayaa sheegtay in falka ay ku kaceen diyaaraduhu uu xadgudub ku yahay talaabooyinka lasoo rogay si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Covid-19.

Ilyaas Cismaan Lugatoor [Gebiley], wasiirka duulista hawada iyo garoomadda Puntland, ayaa xusay in diyaaradda ka degtay magaaladda Buuhoodle ay ogolaanshiyo la'aan sameysay duulimaadka.

"Khaadka cargo ayuu kamid yahay. Laakiin, Khaadkaa si gaar ah loo xiray. Waad ogaydeen dowladda federaalka waa xidhay, Puntland waa xidhay, Somaliland way xidhay. Annaga Puntland ahaan asbuuc kahor baa la furay Khaadka. Iyaddoo lafteeda diyaaradahaas la joojiyey ogolaanshiyo ma aysan qaadan, hawada leyskama soo galo waa in ogolaanshiyo la qaataa oo ogolaanshiyahaas la qaataa. Marka xaq bey u lahayd wasaaradda duulista hawada Soomaaliya joojintaas, waayo ogolaanshiyo la'aan bey yimaadeen, inta aan ka war qabo," ayuu Lugatoor u sheegay telefishinka dowladda Puntland.

Maandooriyaha oo Puntland iyo Somaliland ay xayiraadii ka qaadeen ayaa loo mamnuucay safarka Coronavirus awadiis, kaas oo kiisaska laga diiwaan-geliyey guud ahaan Soomaaliya ay laba kun dhaafeen.

Shirkadaha Buff Air Services iyo Silverstones Air Services ayaanan wali wax jawaab ah ka bixin eedeynta iyo talaabadda dowladda Soomaaliya.

Qaadka oo kamid ah waxyaabaha ka qeyb-qaata faafitaanka Coronavirus ayaa dalka kaga yimaada dhinacyadda Itoobiya iyo Kenya. Wallow hawada la joojiyey, wuxuu si qarsoodi ah uga soo galaa dhinca bariga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM