Puntland oo shuruud ku xirtay ka qeybgalka shirka Senate-ka ku baaqay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku caddeyneyso mowqifkeeda ku aadan doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyadda Soomaaliya ee qorshuhu yahay in ay dhacaan 2020-21.

Bayaanka ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka ah "in ay si ku talogal ah u marin-habaabinayaan qabsoomida doorashooyinka, ayagoo xeerinaya dano gaar ah iyo isku day in aysan waqtigooda ku dhicin".

Sidoo kale, waxaa lagu dhaliilay in ka shaqeynayaan qas siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhaca degaanada maamuladda "ayna arrintaas qayb ka tahay burburinta nidaamka federaalka" iyo talo wadaaga dhinacyada.

Si lamid ah, waxaa lagu sheegay in aysan kasoo jawaabin gogoshii wadahadal ee Puntland ay fidisay March 15-17, 2020 isla markaana ay ka cagajiideen socdaal gogol xaar uu madaxweyne Deni ku tago Muqdisho.

Intaas waxaa wehlisa, waxaa lagu dhaleeceeyay in ay si ku talogal ah u xagal-daaciyeen shaqadii guddiga farsamo ee loo saarey ka shaqeynta wadahadalo ay hogaanka yeeshaan dowladda iyo maamuladda.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa si gaar ah loogu eedeeyay burburka ku yimid howshaas oo xafiiska Qaramadda Midoobay uu gedaal ka riixayey kadib codsi kaga yimid madaxweyne Maxamed Cabdullaahi.

Guddigaas farsamo ayay ku dhawaaqdey in ay ka baxday "maadaama ay fashilantay shaqadii guddiga" oo ahayd u gogol xaarida wadahadal mustaqbalka dhow dhexmara madaxda dowlada iyo maamulada.

Dhanka kale, dowladda Puntland oo soo dhaweysay baaqii Aqalka Sarre oo ahaa in ay kulmaan madaxda maamulada iyo dowladda ayaa shuruud kaga dhigtay in ay qeyb ka noqoto in uu dhaco 20-ka bishaan June, 2020.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, Puntland ayaanan qayb ka noqon doonin shir wadatashi oo dhaca wixii ka dambeeya 27-da June oo la filayo in guddiga doorashooyinka qaranka hortago baarlamaanka.

Warbixinta uu guddiga u jeedinayo xeer-dejinta dalka ayaa calaamad su'aal la gelinayaa, waxaana la aaminsan yahay in ay ku jiraan qodobo aysan heshiis kuwada ahayn dhamaan saamileyda siyaasada.

Puntland ayaa cod dheer kaga digtay in fadhigaas ay kasoo baxaan talo bixino baarlamaani ah "oo sababi kara kala fogaanshiyo siyaasadeed iyo xasilooni darro ku timaada geedi u socodka dowladanimada Soomaaliya".

Ugu dambeyntii, qoraalka oo lagu sheegay in sharciyeynta 4.5 ay kasoo horjeeda dastuurka isla markaana waxaa laga digay muddo kororsi ay sameystaan madaxda dalka "oo ku fashilmay hirgelinta halbeegyadii doorasho qof iyo cod".

Hoos ka akhriso warka qoraalka ah

Image may contain: text

Image may contain: text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM