Puntland: Xayle oo beeniyay in Boocame la qabsaday

Image

GAROOWE, Puntland- Maamulka degmada Boocame ee gobolka Sool, ayaa ka hadlay warbixin iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada kuwaasoo dhigayay in ciidamada Somaliland la wareegeen degmadaas, xilli ay socoto xiisadda ka taagan deegaanka Tukaraq ee isla gobolkaas.

Xayle Xasan Shire, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inaysan jirin warkaas islamarkaana ciidamada Somaliland aysan qabsan Boocame oo ay gacanta ugu jirto Puntland, balse cidda sawirrada soo dhigtay ay yihiin dhalinyarada deegaanka oo ka caraysan joogitaanka Somaliland ee degmada Tukaraq.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in xaaladda Boocame tahay mid dagan islamarkaana aysan ka jirin cabsi ah in Somaliland gacanta ku dhigto, waloow uu sheegay in dhalinyarada degmadaas ay doonayaan sidii maamulka Hargasa looga saari lahaa gobolka, isagoo xukuumadda Puntland ugu baaqay inay tallaabadaas qaado.

Hadalka Xayle ayaa yimid xilli shalay baraha bulshada lagu faafiyay dhalinyaro hubaysan oo kor u taagaysa calanka Somaliland, kuwaasoo la sheegay inay yihiin ciidamo katirsan Somaliland oo la wareegay maamulka Magaalada, waxaana taasi markii dambe sida wararku sheegayaan xalliyay odoyaasha deegaanka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli xaaladda gobolka Sool ay tahay mid kacsan islamarkaana labada maamulba ay keeneen ciidamo iyo hub tiro badan, taasoo ay wal wal ka muujinayaan shacabka labada dhinac.

Dedaalo ay waday beesha caalamka iyo waxgaradka ayaa lagu soo waramayaa inay fashil ku dhammaadeen taasoo sida la xusayo ka suurta gali wayday dhinaca Xukuumadda Hargaysa oo ku adkaysanaysa in Tukaraq ay tahay degaan kamid ah dhulkeeda.

08 Janaayo, 2018 ayay ahayd markii Turaq ay ka baxday gacanta Puntland, waxaana waqtigaas wixii ka dambeeyay isa soo tarayay warar dhiillo leh ee kasoo yeeraysay siyaasiyiin u badan dhinaca Somaliland, waxaana dhowr jeer booqday jiida hore mas'uuliyiin uu kamid yahay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM