Ganacsato malaayiin dollar ku maalgashaneysa Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Shirkii Maalgashiga Puntland oo saddexdii casho ee lasoo dhaafay, 15-ka illaa iyo 17-ka September, ka socday magalaaladda Garowe, caasimadda Puntland, ayaa waxaa laga soo saarey war-murtiyeed.

Madashan oo uu daah-furay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa kasoo qeybgalay 400 ruux oo isugu jirta ganacsato iyo mas'uuliyin ka kala socota dowlado, shirkado iyo qaybo kale.

Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa ajnabiga ah ayaa ka kala yimid; Kenya, Uganda, Tanzania, Zambia, Ethiopia, Turkey, UAE, Saudi Arabia, China, Europe, USA, Italy, India iyo Slovakia.

Soojeedino, falanqayn iyo dood-cilmiyeedyo ka dib, waxaa shirka kasoo baxay arrimaha soo socda:

1. Dowladda Puntland waxay soo dhoweynaysaa ganacsatada soomaaliyeed iyo kuwa ajnabiga ah ee raba inay maalgashadaan
Puntland iyaga oo dowladdu usamayndoonto fududayn walba oo ay u baahnaadaan.

2. Dawladdu waxay dhaqangalinaysaa Xeerka maalgashiga Puntland ee dhowaan la ansixiyay, kaas oo waxwayn ka taridoona fududaynta
maalgashiga tooska ah iyo ilaalinta hantida iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

3. Dowladda Puntland waxay si gooni ah u dhiirigalinaysaa hirgalinta warshado waxsoosaar iyo iskuulo farsamo iyada oo garabgal dhow loo samayndoono hirgalintooda.

4. Shirka waxaa looga dhawaaqay maalgashiyo kala duduwan oo lag hirgalin doono Puntland sida furista xarumaha shirkadaha Hyundai, Toyoto, Dhismaha xarumo badbaadinta bii’ada (green houses), dhismaha boqolaal guryo ah (real estate), maalgalino loo samaynayo dadka hal-abuurka ganacsiga leh gaar ahaan dhalinyarada, dhismaha machad, marso iyo suuq kalluumaysi, iyo maalgashiyo la xiriira macdanta, beeraha, tiknooloojiyada iyo biyaha.

5. Maalgashiyada ay ku dhawaaqeen ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa ajnabiga ah ee shirwaynaha kasoo qaybgalay waxa uu qiima ahaan gaarayaa in ka badan 300 million oo la hirgalindoono dhowrka sano ee soo socota, taasi waxay wax wayn ka taridoonaa koboca dhaqaalaha guud iyo shaqo abuur ay helaan dhalinyada reer Puntland, iyada oo la filayo in kumanaan dhalinyaro ah ka faa’iidaysandoonaan bilaha iyo sanadaha soo socda.

6. Waxaa sii socondoona shirar dabajooga shirwaynahaan oo ka dhicidoona gudaha Puntland iyo dibaddaba si wadaxaajoodyada u dhexeeya dawladda iyo ganacsatada uu noqdo mid sii miradhala oo aan ku koobnaan shirwaynahakan kaliya.

7. Waxaa magaaladda Boosaaso lagu qabandoonaa carwo ganacsi oo ganacsato kusoo bandhigidoonaan alaabahooda iyo adeegyada ay hayaan bisha 1aad 1deeda 2020.


Shirweynaha oo ah kii ugu horeeyay noociisa ee Puntland lagu qabto ayaa waxay soo socotay qabanqaabadiisu muddo 4 bilood ah, iyadda oo loo saarey guddi heer wasiiro ah iyo ganacsato ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM