Baarlamaanka cusub ee Jubbaland oo doortay gudoomiye KMG ah

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland – Xildhibaanadda cusub ee baarlamaanka labaad ee Jubbaland ayaa maanta oo Talaado ah lagu dhaariyey Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulkaasi.

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha Guddiga Doorashadda, Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka federaalka, Odayaasha Dhaqanka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Dhaarinta kadib, sharcidejiyeyaasha oo ka kooban 73, ayaa waxay doorteen gudoomiye ku meel gaar ah, kaasi oo loo xushay Sheekh Cabd Yuusuf Cali.

Cabdi, oo mudaneyaasha cusub kamid ah, ayaa waxaa la sheegay in uu yahay Xildhibaanka ugu da’da wayn Golaha Wakiiladda dowlad goboleedkaasi.

Mas’uulkan ayaa wuxuu xilkaasi sii hayn doonaa inta laga dooranayo gudoonka cusub ee Baarlamaanka, maalmaha soo aadan.

Gudoomiyaha cusub ee ku meel gaarka ah ayaa wuxuu balanqaaday doorasho xor iyo xalaal ah, isaga oo Xildhibaanadda waydiistay in ay la shaqeeyaan.

Doorashadaasi ayaa waxaa xigi doonta tan madaxweynaha oo la rajeynayo in ay qabsoonto bartamaha bisha August ee sanadkan 2019, iyadda oo aad isha loogu hayo natiijadda kasoo bixi doonta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM