Jubaland iyo Kenya oo fashiliyey weerar ay Al-Shabaab maleegtay

Image

KISMAAYO, Jubaland – Ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Jubaland iyo dhigooda Kenya ayaa habeenkii Isniintii waxay fashiliyeen weerar ay Al-Shabaab damacsaneyd, sidda ay sheegeen mas'uuliyiin dhanka amniga.

Weerarka laga hortagay oo la sheegay in ay soo abaabushay Al-Shabaab ayaa la doonayey in lagu beegsado saldhig ciidan oo ku yaala degaanka Taabta, halkaasoo fariisin ay ku leeyihiin milatariga Kenya ee ka tirsan AMISOM.

Sidda laga soo xigtay dadka degaanka, dableyda Al-Shabaab ayaa la kulmay iska caabin markii ay isku dayeen in ay gudaha ugu taagaan, waxaana halkaas ka dhashay iska hor-imaad qaadatay saacado lagu qiyaasay saddex.

Ma cadda khasaaraha guud ee labada dhinac kasoo gaarey isku-dhaca. Maadaama ay habeen ahayd, si dhab ah looma ogaan karo waxyeeladda.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadan oo kasoo baxay dhanka ciidamadda huwanta ah iyo maleyshiyada xiriirka la leh ururka Al-Qaacida.

Al-Shabaab ayaa aalaaba waxay beegsataa fariisimaha ciidamadda Soomaaliya iyo kuwa saaxiibada caalamka. Maadaama doorashooyinka aadayo dalka, dagaalameyaasha waxay laba-jibaareen howlgaladooda.

Si lamid ah, ciidamadda AMISOM ayaa qorshuhu yahay in dhamaadka xagaagan ay isaga hayaamaan guud ahaan waddanka si ay u fuliyaan qorshaha kala guurka ee amniga waddanka loogu wareejinayo askarta Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo shaaciyay xilliga uu shidaal qadista ka bilaabayo Soomaaliya

Bishii March, Muqdisho iyo Ankara ayaa kala saxiixday heshiis la xariira dhinaca Shidaalka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dhinaca Gaaska.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 05:03AM

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM