Ciidamo uu Turkiga u tababaray Soomaaliya oo qarax lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan afar askari ayaa ku naf-weysay kadib qarax ka dhacay duleedka Koonfur Galbeed Muqdisho, habeenimadii Talaadada.

Weerarka oo ka dhashay Miino ayaa waxaa lagu waramayaa in lala beegsaday ciidamo Boolis ah oo uu tababaray milatariga Turkiga.

Cutubyadda la bartilmaameedsaday ayaa waxaa lagu magacaabaa Haram-cad, waana bileyska sida gaarka ah u tababaran.

"Miinadda waxay la kacday ciidanka iyaga oo maraya agagaarka Isbitaalka Al Birri oo ku teedsan isgoyska Siinka Dhee," ayuu yiri Goobjooge la hadlay GO.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan, balse waxaa aalaaba looga bartay dagaalamayaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Taliska Booliska Soomaaliya oo xaqiijiyey falkan ayaa wuxuu tilmaamay in saddex askar ay ku dhaawacmeen falkan, kuwaasi oo soo kabasho ku jira.

Qaraxyadda Miinooyinka ayaa waxay kamid yihiin xeeladaha dagaal oo ay adeegsato Al-Shabaab kuna beegsato ciidanka dowladda iyo xulafadooda caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM